Somali News
    Hees  

Somalia oo ka qeyb gashay bandhiga dhadhaminta cuntooyinka+Video

Holland Talaado 27 August 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Somalia oo ka qeyb gashay bandhiga dhadhaminta cuntooyinka+Video

Bandhigida dhadhaminta Cuntada ayaa ah mid lagu qabto sanadkiiba mar magaalada Skien ee dalka Norway waxaana umaddaha kasoo qeybgalaahi ka mid ah Soomaalida oo lagu soo bandhigo cuntada ay dhaqan ahaan u leeyahiin.
Waxaa bandhigani oo lagu magacaabo Mersmak , sidoo kale cuntooyinka ayaa lagu iibiyaa oo qofkii dhadhankooda ka helaa uu saxankiisa ka qaataa halkaasi.
Waxaa taageero barnaamijkani maamulka deegaanka iyo shirkadaha ka dhisan gobolka iyadoo loo xero meesha bartamaha u ah magaalada halkaaasoo feesto ahaan 3 maalmood loogu tamashlleeeyo .

Maalintii Jimcahii ilaa iyo Axaddii ayuu furnaa bandhiggan, waxaa magaaladani aad loogu mashquulay sida loo dhadhamin lahaa cunooyinka adduunka oo la iskugu keenay halkaasi.

Waxaa la arkayay goobta ay Soomaalida halkaasi ku leedahahay oo lagu soo xoomay si loo iibsado loona dhadhamiyo cuntooyinkooda oo u horeeyay sambuuska oo aad looga jecelyahay dalka Norway.

Halkan ka daawo Flimka

 http://www.youtube.com/watch?v=SG7pU17R8ZI&feature=player_embedded

 

Abdul Arts

 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)