Somali News
    Hees  

Jeylani Nuur Iiker & C/Wili Muudey oo wareegi udambeeyay ku tartamaya

Mogadishu Talaado 28 August 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Jeylani Nuur Iiker & C/Wili Muudey oo wareegi udambeeyay kutartamaya Waxa iminka lasoo gaba gabeeyay wareega labaad ee tartanka kuxigeenka kowaad ee gudoonka baarlamaanka Soomaaliya iyadoo iminka isu soo hareen laba xildhibaan oo kaliya

Gudiga Doorashada ee Gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya ayaana ku dhawaqay tirada codadka rasmiga ah ay kala heleen Musharixiinta Gudoomiye kuxigeenka koowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Codadka ayaana loo kala helay Sida tan

1)Jeylaani Nuur Iikar 91 Cod

2) Cabdi Wali Ibaarhin Muudey 58 Cod

3)Maxamed Cabdi Xayir Maareeye. 30 Cod

4) Xildhibaan Bashir oo helay 30

Gudoonka baarlamaanka oo codkiisa ka muuqday daal ayaa dalbaday in labada xildhibaan ee isu soo haray isu tanasulaan si howsha lo fududeeyo hasa yeeshe majirto ilaa iyo hada xildhibaan tanasulay sidaas darteedna waxa leesu diyaarinayaa in markale xildhibaanada udiyaar garoowaan wareegi udambeeyay ee labada xildhibaan ku kala bixi doonaan

Raga isku soo haray hadii aysan is csilin waxaa kamid ah

Cabdi Wali Ibaarhin Muudey
Jeylaani Nuur Iikar

YAA USOO GUDBAY WAREEGA LABAAD EE DOORASHA G/KUXEENKA 1aad EE BAARLAAMKA

Waxaa hada lagu dhawaaqay tirada Codadkii loo qaaday gudoomiye kuxigeenka koowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya ee doorashadiisa hada kasocoto Iskool Buluusiyo ee Magaalada Muqdisho.

Gudiga Doorashada ee Gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya ayaana ku dhawaqay tirada codadka rasmiga ah ay kala heleen Musharixiinta Gudoomiye kuxigeenka koowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Codadka ayaana loo kala helay Sida tan

1)Cabdi Wali Ibaarhin Muudey 40 Cod
2) Jeylaani Nuur Iikar 36 Cod
3)Bashiir Maxamed Jaamac 31 Cod
4)Maxad Cali Xagaa 19-Cod
5)Maxamed Cabdi Xayir Maareeye. 26 Cod
6)Tahliil Cabdi Maxamed 22 Cod
7)Ibraahim Jaamac Deyfulaahi 17 -Cod
8)C/dalla Boos Axmed 12 Cod
9)C/Xakiin Cige Guuleed 8-Cod
10) Prof. Maxamed Cumar Dalxa 8Cod

Wareega labaad waxaa isku soo haray ilaa 4-Musharax oo ah kuwa ugu codadka badan ,kuwaa oo la filayo in ay ku tartamaan wareega labaad hadii aysan imaan rag tanaasula.

Raga isku soo haray hadii aysan is csilin waxaa kamid ah

Cabdi Wali Ibaarhin Muudey
Jeylaani Nuur Iikar
Bashiir Maxamed Jaamac
Maxamed Cabdi Xayir Maareeye

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)