Somali News
    Hees  

Gudoomiye Ku xigeenka Gobalka Hiiraan " Ciidamada Ethoipia waa been in ay Haweyn ku kufsadeen Magaalada Baladweyne"

Mogadishu Talaado 28 August 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Gudoomiye Ku xigeenka Gobalka Hiiraan " Ciidamada Ethoipia waa been in ay Haweyn ku kufsadeen Magaalada Baladweyne"

Maamulka gobolka hiiraan ee dowlada federaalka Somaliya ayaa been aan sal iyo raad laheen ku tilmaamay eedeemo lagu baahiyay warbaahinta Soomaliya taa oo ciidamada Ethiopia ee Jooga Baladweyne logu eedeeyay in ay kufsadeen Haween ku Jiray Xero Barakacayaal ah oo ku teel meel u dhow saldhig ay Ciidanka Ethiopia ku leeyihiin Galbeedka Baladweyne.

Gudomiye ku xigeenka Gobolka Hiiraan Cadaawe Cilmi Nuur oo manata shir ja raa'id ku qabtay Magaalada Baledweyne ayaa shegay in aysan waxba kajirin wararka shegaa in Ciidamada Ethiopia ay kufsi ka gesteen Magaalda Baledweyne waxana uu ku tilmaamay mid ay buun buuniyeen sida uu hadalka u dhigay Warbaahinta ka so horjeedo Dowladnimada Soomaaliyeed.

Gudomiye Cadaawe ayaa hoosta ka xariiqay in uu uga digaayo Cid kasto oo been iyo borobogaando ka sameyneysa degaanada uu ka taliyo Maamulka Gobalka Hiiraan waxaana uu ku macneeyay eedaas iyo eedaha kale ee Gobalka laga gudbinaayo kuwa la doonaayo in laysaga horkeeno Maamulka Dowalada iyo Ciidamada Ethiopia ee Garabka siinaaya.

Maalmahii danbe ayaa waxaa soo muuqanayay warbixino lagu daabacay qaar ka mid ah baraha internetka ee Soomaalida warka isugu gudbiso eedoo ah in Ciidamada Ethiopia ee Baladweyne jooga in ay kufsadeen Haweyn ku jiray Xero barakacayaal ah oo ku taala Xaafada Howl-wadaag ee Magaalada Baladweyne inkastoo hadalkan uu noqonayo Markii ugu horeysay ee Maamulka heer Gobal ama degmo uu soo hadal qaado eedeynta kufsiga lagu eedeeyay in Ciidamada Ethiopia ka geysteen Baladweyne.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)