|
Gudoonka Barlamanka oo la dhaariyay & Doorashadi oo dhamatay
Mogadishu Talaado 28 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|
Gudoonka Barlamanka oo la dhaariyay & Doorashadi oo dhamatay
Waxaana Gudoomiye kuxigeenka Labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya ku
guuleestay Mahdi C/dulle Cawad oo helay codadkii ugu badanaa ee
Doorsahada.
Waxaana Doorashada Wareega labaad ka tanaasulay Musharixiintii kale ee
la baratameysay Mahdi C/dulle Cawad iyagoona sheegay in ay u
tanaasuleen Mahad in uu noqdo Gudoomiye kuxigeenka Labaad ee
Baarlamaanka Soomaaliya waqtiga oo cariiri ah darted.
Doorasahdii maanta ka bilaabatay Howlka Shirarka ee Iskool Buluusiyo
ayaa kusoo dhamaatay jawi aad u wanaagsan, iyadoona caawa ay
Soomaaliya leedahay Gudoomiye Baarlamaan iyo Labadiisa ku xigeen.
Waxaana hada la dhaariyay Gudoomiyaha Baarlamanaka Soomaaliya iyo
labadiisa kuxigeen ,waxa uuna Gudoonka KMG ee Baarlamaanka Soomaaliya
xilkii ku wareejiyay Gudoomiyaha Cusub ee Baarlamaanaa Soomaaliya Prof
Jawaari.
Gudoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Cusub ee Soomaaliya Maxamed Sheekh
Cusmaan Jawaari ayaa mar kale Xildhibaanada u mahad celiyay waxa uuna
sheegay in Maalinta berito ay tahay maalin fasax maadaama la daalan
yahay maalinta Qamiista ahna la kulmi doono hadana uu shirku xiran
yahay.
Naga filo goor dhaw sawirada Mudanayasha baarlamaanka Soomaaliya
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|