|
Hogaamiye Shabaab taageeri jiray oo magaalada Mombasa ee Kenya lagu dilay
Mogadishu Talaado 28 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Hogaamiye Shabaab taageeri jiray oo magaalada Mombasa ee Kenya lagu dilay
Kooxo hubeysan ayaa maanta magaalada Mombasa ku dilay hogaamiye diimeedcaan ka ahaa magaaladaasi oo horey loogu eedeeyay inuu taageero Xarakadda Al-Shabab.
Hogaamiyaha la dilay oo lagu magacaabi jiray Cabuud Roogo Max’ed ayaa waxaa dilay rag hubeysan xilli uu watay gaari asaga iyo xaas uuqabay.
Goob joogayaal ayaa sheegay in rag ku hubeysan baskoolado ay shiikha dileen kadibna ay baxsadeen , Saraakiisha ciidamada amaanka Kenya ayaa horey wadaadkaanugu eedeeyay inuu xiriir la lahaa Xarakadda Al-Shabab oo uu dhawr ku taageeray lacago iyo agabyo kale.
Q,M ayaa horey wadaadka maanta la dilay xanibaad ku soo rogtay hantidiisa iyo inuu safaro uu ku baxo kadib markii la sheegay inuu Al-Shabab ku taageeray lacago fara badan sidaas oo kalena uu dhalinyaro u tababaray sidii ay Shababka uga bar bar dagaalami lahaayeen.
Haweeneyda uu qabay oo la yiraahdo Haniya Sacid ayaa warbaahinta u sheegtay in ragga wax dilay ay wateen gaari kale ayna baxsadeen.
Golaha amaanka ee Q,M ayaa bishii June ee sanadkaan sheegay in Cabuud Roogo Max’ed urur uu lahaa oo la yiraahdo Al-Hijra ay si weyn u taageeri jirtay Al-Shabab isla markaana uu hub si sharci darro ah ugu gudbin jiray Al-Shabab.
Dibad baxyo rabshado wata ayaa ka bilawday magaalada Mombasa kuwaasoo ay dhigayeen dad wadaadka la dilay taageersanaa.
Ciidamada booliska Kenya ayaa sunta u adeegsaday kala cayrinta dadka iskugu soo baxay magaalada Mombasa.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|