Somali News
    Hees  

Taliska Ciidamada AMISOM oo ka hadlay qabshadii magaalada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose

Mogadishu Talaado 28 August 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Taliska Ciidamada AMISOM oo ka hadlay qabshadii magaalada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Afhayeenka ciidamada AMISOM Col Cali Aadan Xaamud oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidamadooda ay si caadi ah ay ula wareegeen magaalada Marka ee xarunta G/Sh/hoose.

Col Cali Aadan Xaamud waxaa uu sheegay in ciidamada AMISOM iyo dawlada ay shalay galabtii ay gudaha u galeen magaaladda Marka iyadoon aan wax dagaal ah ka dhicin waxaana uu sheegay in hadda ciidamadooda ay gudaha magaalada ku sugan oo ay fariisimo ka sameysteen.

"Intii aynu sii soconayay iska caabin xoog leh cidamadeena lama aysan kulmin hadda dawlada iyo AMISOM ayaa maamulaya magaalada Marka" ayuu yiri Col Cali Aadan Xaamud oo ah afhayeenka ciidamada AMISOM.

Afhayeenka ayaa ka gaabsaday inuu faafaahin ka bixiyo khasaaraha dhankooda kasoo gaaray dagaaladii shalay iyo kuwa ay Shababka u geysteen.

Ciidamadii Shabab oo magaalada Marka ka talinayay muddo sanado ah ayaa maanta baneeyay waxaana ay ruqaansadeen dhanka degmada Baraawe oo ay hadda wararku sheegayaan in xaalad kacsanaan ah ka jirto

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)