Somali News
    Hees  

Golaha Baarlamanka oo maanta u fadhiya doorashada guddoonka Baarlamanka

Mogadishu Talaado 28 August 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Golaha Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa in ay doortaan Goddoon cusub iyadoo xildhibaannadu ay ku sii qulqulayan madasha ay ka dhaceyso Doorashada waxaana sidoo kale ka hor inta doorashadu bilaaban la filayaa in la dhaariyo xubno ka mid ah Baarlamanka Soomaaliya.

Wariyayaasheenna ku sugan dugsiga tababarka ciidanka Jeneral Kaahiye ayaa ku soo waramaya in halkaasi ay ku suganyihiin musharaxiinta u tartameysa doorashada Afhayeenka Barlamanka iyo ku xigeennadiisa,  iyadoo sidoo kalana ay goobta ku suganyihiin xildhibaannada golaha Shacabka Soomaaliya.

Ka hor doorashada ayaa la dhaarin doonaa xildhibaanno cusub  oo ka dhiman tirada guud ee baarlamanka, kuwaas oo maanta lagu hordhaarin doono kalfadhiga koowaad ee Baarlamanka kulankiisa Sadexaad oo maanta loo fadhiyuo.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa maanta si weyn loo Adkeeyay, iyadoo waddooyinka caasimadda saakay lagu urkayo ciidamado farabadan oo boolis ah oo ay ka mid yihiin booliiska Aimisom oo taagan isgoys kasta baaritaannana ku haya dadka iyo Gaadiidka. xigasho: radio mogadishu

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)