|
Ex-Xildh. Ghedi: "Waa xaaraan qaabka lagu soo xulay Baarlamaanka cusub, waxaana wadanka wareeriyay dabeysha Kampala Accord"
Mogadishu Talaado 28 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Ex-Xildh. Ghedi: "Waa xaaraan qaabka lagu soo xulay Baarlamaanka cusub, waxaana wadanka wareeriyay dabeysha Kampala Accord"
Md. Maxamuud Ow Ghedi Hilowle oo ka mid ahaa Xildhibaanada Baarlamaankii KMG ahaa ee xilligiisu dhammaaday ayaa ka hadlay xaaladda wadanka, gaar ahaan isbedelada dalka ka socda ee looga guurayo marxaladdii KMG ahayd, wuxuuna Ex-Xildhibaan Ghedi uu sheegay in dalka ay saameyn ku yeelatay dabeysha Kampala Accord heshiiskii Kampala oo uu sheegay inay saldhig u tahay burburka xukuumad Soomaaliya ka dhalata iyo saldhigidda siyaasadda dalka.
"Waa xaaraan qaabka lagu soo xulay Baarlamaanka cusub, waxaana dalka wareerisay dabeysha Kampala Accord" ayuu yiri Xidlhibaan Ghedi oo sheegay in dabeyshaasi ay burburisay Baarlamaankii hore, hadana waxay kaloo burburisay xukuumad ay dadku wada jeclaayeen oo uu hoggaaminayay Ra'iisal Wasaarihii hore Farmaajo.
Dhinaca kale waxa uu sheegay Xildhibaanka ruug-cadaaga ah in badanna si gaar ah ula socday dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee wadanka ka socda, wuxuuna sheegay in odayaasha dhaqanka ee soo xulay Xildhibaanada ay ku soo xuleen qaab laaluush iyo musuqmaasuq ku saleysan oo uu sheegay inay ka gateen cimaamado iyo macawiisyo qurxoon, hase yeeshee odayaasha ay wasaqeeyeen heybadda iyo sharaftav duubabka dhaqanka Soomaaliyeed.
"Odayaasha dhaqanka waxay sameeyeen wax aanan weligeen arag, waxayna wasaqeeyeen karaamadii uu lahaa oday dhaqameedka" ayuu yiri Xildhibaan Ghedi oo sheegay in xaaladda wadanka alif ilaa ya inay qasan tahay, isagoona caddeeyay in heshiiskii Kampala ilaa wadanka laga suuliyo aanay hagaagi doonin xaaladda dalka.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|