|
Qalabka Dabdamiska oo la gaarsiiyay Dekedda Magaalada Bosaaso
Mogadishu Talaado 28 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Qalabka Dabdamiska oo la gaarsiiyay Dekedda Magaalada Bosaaso
Shirkadda isgaarsiinta ee Golis Talecom somalia ayaa qalabka dabdamiska “Fire extinguishers” gaarsiisey dekedda magaalada Bosaaso.
qalabkaas ayeey shirkaddu waxay ku wareejisay agaasimaha guud ee wasaaradda Dekeddaha PL Mudane C/Majiid Samanter. iyadoo ay goob-joog ka ahaayeen madasha lagu wareejinayey qalabka qaar ka mid ah maamulka iyo shaqaaalaha dekedda Bosaaso iyo masuuliyiin ka socdey shirkadda Golis iyo weliba shakhsiyaad ka tirsan ganacsatada puntland.
Hogaanka xiriirka dadweynaha ee shirkadda Golis Talecom Mudane/ Faarax Xaaji Mire oo wareejiyey qalabkaas ayaa ugu horayn ka hadlay munaasabada waxa uuna sheegay in shirkadda Golis ay qalabkaan ugu deeqday dekedda Bosaaso ka dib markii ay shirkaddu aragtay khataraha dab ee soo noqnoqday oo waxyeelo weyn u geysta gaadiidka iyo badeecadaha dekedda Bosaaso.
Hogaanku wuxuu sidoo kale sheegay inaanay ahay markii ugu horaysey ee shirkadda Golis ay gurmad kanoo kale ah ka geysato dekedda Bosaso iyadoo” tilaabadani ay ka tarjumayso sida shirkadda Golis ay ugu taagantahay waxtarka bulshada iyo ilaalinta hantida dadweynaha.
Waxaa gabagabadii munaasabadaas mahad celin iyo bogaadin u soo jeediyey shirkadda Golis agaasimaha guud ee Wasaaradda Dekedaha PL C/Majiid Samanter oo sheegay in shirkadda Golis ay ka mid tahay shirkadaha sida wanaagsan uga qayb qaata arimaha bulshada,isla markaana waxtarkoodu uu yahay mid wax-ku-ool ah.



Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|