|
War Deg Deg Ah: Waxaa si rasmi ah u bilowday codaynta doorashada gudoomiyaha baarlamaanka
Mogadishu Talaado 28 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

War Deg Deg Ah: Waxaa si rasmi ah u bilowday codaynta doorashada gudoomiyaha baarlamaanka
Magaalada Muqdisho oo ay ka socoto Doorashada gudoonka baarlamaanka, si rasmi ahna waxaa u bilaabatay Codaynta.
War deg deg ah waxa iminka si rasmi ah uga bilowday howlka iskuul Buluusiya doorashada gudoonka baarlamaanka Cusub ee Soomaaliya.
Jawiga ayaa ah mid si wanaagsan u socda waxana iminka socoto doorashada qarsoodiga ah oo ay mudanayasha sameenayaan, waxaana si habsami leh u socota Codaynata Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.
Musharixiinta ayaa iyagu horay ugu qudbeeyay Baarlamaanka, iyagoo uu ruux walba sheegay waxa uu qabanaayo markii uu ku guulaysto xilka gudoonka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Dhinaca kale ammaanka Hoolka ay ka socoto Doorashada baarlamaanka Soomaaliya ayaa ah mid si aad ah loo adkeeyay, waxaana lagu gadaamay Ciidamada Booliska ee AMISOM iyo kuwa Dowladda KMG ah.
Wixi kusoo kordha kala soco halkaan
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|