|
Ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Mohamed Ali Samantar oo magdhow Malaayiin doolar ah la duldhigay
Mogadishu Arbaco 29 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Mohamed Ali Samantar oo magdhow Malaayiin doolar ah la duldhigay
Maxkamad fedraali ah oo ku taala gobolka Vargenia ee dalka mareykanka ayaa lacag magdhow ah oo gaareysa 21 million oo doolar dul dhigtay raysul wasaarihii somalia Mohamed Ali Samantar oo 76 sano jir ah kaas oo 7 ruux oo somalia ay ku eedeeyeen in Mohamed Ali Samantar uu amar ku bixiyay dilka dad aad u fara badan oo ku noolaa waqooyiga somalia xilligii dowladda siyaad barre oo samatar raysul wasaare uu ka ahaa.
Qaadiga maxkamadda gobolka Varginea ee dalka mareykanka ayaa sheegay in dacwadda raysul wasaarihii hore ee somalia oo soconeysay muddo ka badan 8 sano ay soo gabagabowday oo la ogaaday Mohamed Ali Samantar uu yahay dambiile sidaa darteedna looga baahanyahay bixinta lacag gaareysa 21 million oo doolar oo magdhow ah oo uu siinayo dadkii dacwoonayay oo 7 ruux oo somalia ah gaarayay kana soojeeda maamul goboleedka la magacbaxay Somalialand.
Raysul wasaarihii somalia Mohamed Ali Samantar iyo qareenkiis , Joseph Peter Drennan ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay eedeemaha loo soo jeediyay iyo go’aanka maxkamadda , waxana ay sheegeen in racfaan ay ka qaadanayaan.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|