Somali News
    Hees  

Jaaliyada soomaalida ee Gothenborg oo hambalyeeyay gudoomiyaha cusub ee baarlamaanka

Gothenburg Arbaco 29 August 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Jaaliyada soomaalida ee Gothenborg oo hambalyeeyay gudoomiyaha cusub ee baarlamaanka

Mar aan wareysi la yeelanay mid kamid ah hogaanka jaaliyadaha soomaaliyeed ee caasimada labaad Sweden, Gothenborg Mr Ibraahim Qalinle ayaa noo sheegay in runtii jaaliyda soomaalida ee kunool magaalada eey aad u gu faraxsanyihiin doorashada gudoomiyaha cusub uguna hambelyeey howshan culus ee loo doortay.

Waxaa run ahaantii noo baryay waa cusub, waana soo dhaweyneynaa anagoo allaha awooda leh weydiisaneyna in uu nala garabgalo

Prof Maxamed Cisman Jawaari waa Aqonyahan in badan ka soo shaqeeyay dowladii hore isla markana wax weyn ka badali kara marxaalada adag ee ay somalia ku sugantahay maanta ayuu yiri Mr Qalinle.

Afhayeenka Baarlamanka waa Shaqo aan fududeyn waxaana ka bixin kara oo hogaamin kara bulshada qofka wax ka yaqaana Sharciga, Prof Maxamed Cisman Jawaari waxaan filayaa in uu ka bixi karo dhamaan shurudahaas marka waxaan leeyahay ilaaheey xilka aad qadaay ha ku fududeeyo hana kula garab galo.

Mr Qalinle Wuxu Sidoo Kale u hambalyeyay labada gudoomiye ku xigeen iyo dhamaan xildhibaanda cusub, wuxuuna kula dardaarmay in eey gacmaha is qabsadaan ummadana ka saaraan dhibaatadan mudada badan soo jiitameysay.

Ugu danbeytii Mr Qalinle wuxuu si qaas ah ula dardaarmay ummada soomaaliyeed meel kasto ee joogto kuna booriyay in mar walba ku dadaalaan sideey u garab istaagi lahaayeen dowlada dhalata oo aan fileyno in madaxweyne mar dhow la dooranaayo.

Soomaaliyeey waad ogtihiin qofka soomaaliya wax u qabatay iyo kaan u qaban ee maanta codkiina u isticmaala si xaq ah.

Gothenburg Somaliweyn

 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)