Somali News
    Hees  

Jaaliyada Digil iyo Mirifle oo kulan la qaatay Safiirka Soomaaliya u fadhiya South Afrika (Daawo Sawirada)

Cape Town Arbaco 29 August 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Jaaliyada Digil iyo Mirifle oo kulan la qaatay Safiirka Soomaaliya u fadhiya South Afrika (Daawo Sawirada)

Kulan ay yeesheen Guddiga Jaaliyadda Digil iyo Mirifle ee dalka K/Afrika iyo Safiirka Dowlada Soomaaliya u fadhiya dalkaasi ayaa waxay ka wada hadleen sidii jaalliyada Digil iyo Mirifle ugu qeyb qaadan lahed didiba u aasidda Safaraadda cusub ay yeelin doonto Dowlada Soomaaliya.

Guddi dhaqaalo uruurin ay dhawaan Jaalliyada Digil iyo mirifle u magacawday kuwaasoo kormeer ku maray qaar ka mid ah gobolada Dalka K/Afrika ayaa sheegay in dhamaan ganacsatada Soomaaliyeed gaar ahaan jaalliyada ay si weyn u soo dhaweeyeen kana qeyb qaateen dhaqalahaas iyagoo ugu mahadceliyay sida gacanta furan ee ay Jaalliyaddu ugu qeyb
qaadatay dhisida Safaarada cusub ee South Afrika.

C/laahi Sheekh C/Raxmaan (Abedink) oo ka mid ah ganacsatada ugu caansan dalka K/Afrika ayaa waxa uu sheegay in ugu horeyntii u mahadcelinayo dhamaan dadkii ka qeyb qaatay dhaqaalo aruurintaas isagoo xusay in Guddiga uu sii wadi doono dadaalkiisa ku aadan ka qeyb qaadashada Safaradda.

Sidoo kale Cismaan Cali Jeelle isna ka mid ahaa Guddiga loo xilsaaray dhaqaala uruurinta ayaa sheegay in Jaalliyada Digil iyo Mirifle ay si weyn ugu soo muuqatay ka qeyb qaadashada Safarada waxa uuna intaa ku daray in ay sii wadi doonaan dadaalkoodii ku aadan arintaasi.

Dowladda Soomaaliya ayaa waxa dhawaan soo magacawday safiir cusub ay Soomaaliya ku yeelan doonto dalka South Afrika kaasoo ay dhamaan Jaalliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaasi soo dhaweeyeen isagoo Qudbado dhowr ah uu jeedinayay safiirka Soomaalida u fadhiya South Afrika Sayid Shariif Xasan Shariif C/laahi ballan qaaday inuu wax ka qaban doono dhibaatooyinka Soomaalida South Afrika ay kala kulmaan dalkaasi.




Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)