|
Taariikh Nololeedka Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari
Mogadishu Arbaco 29 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|
Taariikh Nololeedka Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari
Prof. Maxamed Shiikh Cismaan Aden(Jawaari) waxa ku dhashay magaaladdaa Afgoye ee gobolka Shabeelaha Hoose bishii December 1945. Wuxuu registration ka qaatay degmada Buurhakaba.
Markii uu soo dhameestay waxbarashadiisa dugsiga sare Macalin luuqda English-ka ka noqday iskuul ku yaala magaalada Muqdisho.
Wuxuu Prof Jawaari sannadkii 1962 Shahaadada Diploma ah oo Islamic Law ka qaatay Machad Daraasaad Islaami ee magaalada Muqdisho sanadkii 1964.
Shahaado Macallinnimo, Machadka Macallimiinta (Istatuto Magistrale/aggiornamento magistrale) Muqdisho sanadkii 1967. Kulliyada Qaanuunka ayuu ka qaatay shahaado (Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed) sanadkii 1982.
Prof Maxamed Cismaan Jawari waxa uu wasiir hore uga soo noqday dowladii hore ee Maxamed Siyad Barre Wasaarada Gaadiidka dhulka iyo Cirka iyo Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha Bulshada.sidoo kale waxa uu wasiir ku xigeen ka soo noqday Wasaarada gaadiidka dhulka iyo cirka.
Intii u dhexeysey 1979-1985 waxa uu soo noqday Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda Gaadiidka dhulka iyo cirka iyo Wasaarads Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.
1973-1979 waxa uu Agaasime guud iyo ku xigeen Agaasime guud ka soo noqday Wasaarada Shaqada iyo arrimaha bulshada.
Prof. Maxamed Cismaan Jawaari waxa uu ka mid ahaa golihii Shacabka ee dowladii hore1984-1990.
Waxa uu ku noolaa dalka Nowey magaalada Torendheim halkaas oo uu ka ahaa guddoomiyaha ururka muslimiinta reer Trondheim, waxana uu ku shaqayn jiray macallinnimo.
LUUQADAHA:
Waxuu ku hadlaa, qoraa akhriyaana afafka: Somaliga, Arabic, English, Talyaani iyo Norwegian.
SHAQOOYINKA HEER CAALAMI IYO HEER QARAN:
• Senior Consultant Constitution Building: Somalia Constitution Making Support Project – UNPOS/UNDP – May 2008 – December 2011;
• Guddoomiyaha Guddiga Khubarada (CoE) – Dib-u-eegista Qabyoqoraalka Dastuurka iyo Diyaarinta Dastuurka loo dirayo ansixinta ku-meel-gaarka.
KHIBRADAHA QAAANUUNIGA UU LEE YAHAY
• Xubin ka mid ah Guddiga Farsamo ee Diyaarinta Dastuurka Jumhuuriyadda Soomaaliya. Mogadishu, Somalia. 1989-1990 – Guddigan wuxuu Qormadii Dastuurka u Gudbiyeen Golaha Shacabka . Dood muddo b5 bilood socotay ka dib waxaa la ansixiyey 12ki Oktobar 1990 waxaa Faafinta Rasmiga ah lagu soo saaray 14 Oktoobar 1990.
• Guddoomiyaha Kooxda (Panel) Diyaarinta Sharciga Shaqada Soomaaliyeed ( Somali Labour Law) iyo Sharciga Shaqaalaha Rayadka ah ee Dawladda (the Somali Civil Servants Law) -Mogadishu, Somalia.
1970 – Guddiga wuxu dib-u-habayn ku samayey habka meeleynta Shaqaalaha Dawladda, wuxuuna hirgeliyey jagooyinka “Xoghaye Joogto” iyo qiimaynta Xirfadleyda iyo Farsamo yaqaanada – heerka Sharciga Shaqaalahana wuxuu aad u waafajiyey heer xuquuqda caalamiga ee loo oggol yahay Shaqaalaha.
Sannadkii 1991 – 2008 Waxaan xilal iyo shaqooyin kala duwan ka qabtay Dalka Norway, oo ay ka mid yihiin:
• Macallin dugsiyada Sare ee Koofurta Trøndelag
• Xubin ka mid ah Guddi dhexdhexaadinta khilaafaadka – (Trøndelag Konfliktrådet) – Wasaaradda Garsoorka;
• Kaaliye Qareen – Leif Strøms Jus-Informasjonen law firm;
• Xoghayaha Guud – Guddiga Fulinta Muslim Sosciety of Trondheim, Norway;
• Xubin ka mid ah Muslim/Christian Interfaith Forum for Dialogue, in Trondheim & Trøndelag
• Xubin ka mid ah Guddiga ka hortagga Midabtakoorka -Kontaktforum mot Rasisme og diskriminering , Trondheim, Norway
• Xoghayaha Ururka Qareemada Caalamiga ah ee Trondheim – International Lawyers Association, Trondheim, Norway.
Buugaag uu qoray Prof. Jawaari
• Barashada Fagaagga Sare Adduunka:
Published by Asheim Ungdomskole. 2004. ISBN. 9788292645-33-8
• Taariikhda Norway 1814-1920 (History of Norway 1814-1920).
Published by Asheim Ungdomskole. 2007. ISBN: 9788292645-27-7
• Dalka Norway. Published by Asheim Ungdomskole. 2004. ISBN: 82-9264500-4.
Doorashadii Gudoonka Baarlamaanka
Doorashadii Gudoonka Baarlamaanka Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari ayaa waxa inuu guuleeystay lagu dhawaaqay kadib markii Cali Khaliif Galaydh uu sheegay in uu ka tanaasulay inuu tartamo wareegga labaad.
Wuxuu wareeggii hore helay Prof. Jawaari 119 cod, halka Cali Khaliif Galaydh uu ka helay 77 cod.
Codadka la kala helay wareegga koowaad waxa ay kala yihiin:
119 Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari,
77 Cali Khaliif Galeydh,
23 Cabdi Xaashi Cabdullaahi,
10 Cabdirashiid Maxamed Xiddig iyo
5 Xasan Abshir Faarax.
Dhinaca kale Waa markii ugu horreysay ee muddo ka badan labaatan sano lagu qabto magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya Doorasho si xor ah ku dhacdo..
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|