|
Maxaa Caawa kala heysta Super Cupka Lugtiisa 2-aad Real madrid vs Barcelona ( 7 Ronaldo vs 10 Messi ).. ?
Mogadishu Arbaco 29 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|
Maxaa Caawa kala heysta Super Cupka Lugtiisa 2-aad Real madrid vs Barcelona ( 7 Ronaldo vs 10 Messi ).. ?
Caawa waxaa La ciyaari doonaa Hadii alle idmo Lugtii 2 ee Koobka Super Cupka Isbeyn oo ay ku Hardami doonaan Kooxaah Real Madrid vs Barcelona oo Horay arbadii hore soo wada yeeshay Meertadii 1 oo Lagu Ciyaarayay Garoonka Kooxda Barcelona waxaan Kulankaasi 3-2 ku Badiyay Kooxdii Martida loo ahaa ee Barcelona oo Caawa Barbardhac iyo Badis ku Hanata Koobkaan.
Kooxda Real Madrid oo Marti logu Yahay Garoonkooda Caasimada DalkaIsbeyn ku Yaala ayaa loga Bahan Yahay inay ku Badiyaan 1-0 Marka ay ugu yaraato si ay Koobkaan u Difaacdaan
ka sakow Kulanka adag ee u dhaxeeya 2 Kooxood ee Ku Xifaaltama Horyaalka La ligaha Isbeyn waxaa si gaara uu Kulankani Muhiimad Gaara u Yahay 2 xidig ee u kala dhashay Portuqal vs Arjantiin una kala ciyaara Labada Naadi ee Real Madrid vs Barcelona Ronaldo iyo Messi oo Sanooyinkii Ugu Dambeeyay ahaa 2 xidig ee ku kala guuleystay Xidignimada Caalamka.
Messi waxa uu Doonayaa in Kooxdiisa uu u qaado Koobka Suber Cupka,sidoo Kale Ronaldo ayaa isna la doonaya Naadigiisa inuu Gacanta ka galiyo Koobkaan Hadaba kee Riyadiisa u Rumoobi doontaa Labadaan Xidig Ronaldo( 7 ) vs Messi ( 10 ) Kulanka Meertada 2 ee la ciyaari doono Caawa.
Waxaa Diyaariyay.
Axmed Maxamed Cabdulle'Uurdoox'
Uurdoox2011@hotmail.com
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|