|
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaliyeed oo sheegay in tababar loo qaadi doono saraakiil ka tirsan ciidanka Booliska Soomaaliyeed toddobaadyada soo socda
Mogadishu Arbaco 29 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaliyeed oo sheegay in tababar loo qaadi doono saraakiil ka tirsan ciidanka Booliska Soomaaliyeed toddobaadyada soo socda.
Saraakiil iyo ciidan kale oo ka kala socda qaybaha iyo hoggaanada kala duwan ee uu ka kooban yahay ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa toddobaadyada soo socda tababaro u aadi doona qaar ka mid ah waddamada caalamka sida waddamada Masar, Turkey,Tanzania iyo Ruanda.
Wareysi gaaban oo aan la yeelanay taliyaha ciidanka boolsiak Soomaaliyeed S/gaas Dr Shariif Sheekhuna Maye ayaa waxaa uu inoogu faahfaahiyay noocyada tababar ee ay ciidankaasi soo qaadan , goorta iyo waddamada ay ku soo qaadan doonaan.
Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa inoo sheegay in ciidankkii ugu horeeyay ee tababar loo diro ay ahaayeen saraakiil ay tiradoodu gaareysay illaa afartan sarkaal kuwaasoo tababar ku soo qaatay dalka aan walaalaha nahay ee Turkey, kuwaasoo markii ay soo dhamaysteen tababarkooda dalka dib ugu soo laabtay iyagoo isla markiiba iyo aqoontii iyo waaya aragnimadii ay soo kororsadeen ugu shaqaynaya ummaddooda.
Taliyaha ayaa xusay ka sokow tababaradaas ay ciidanku dalalka dibadda ku soo qaadanayaan inay iyana jiraan ciidamo cusub oo ku soo biiraya maalin walba ciidanka booliska kuwaasoo tababar askarinimo ku qaata waddanka gudihiisa gaar ahaan dugsaga tababarka ciidanka booliska ee Jeneral Kaahiye(Ex Scula di Polizia).
Taliyaha oo warbixintiisa sii wata ayaa noo sheegay in haatan ay jiraan ciidan ay tiradoodu gaareyso illaa iyo lix boqol ay ku qaadanayaan dugsigaas tababarkooda, isla markaana ay rajaynayaan bilaha soo socda in tirada ciidanka la tababarayo ee ku soo biiraya ciidanka Booliska ay intaas ka bataan.
S/gaas Shariif Sheekhuna ayaa sheegay in dib u dhis,ballaarin iyo dib u habaynba ay ku socota dugsiga tababarka ciidanka Booliska ee magaalada Muqdishgo si uu awood ugu yeesho in lagu xsarayn karo markiiba tiro ciidan oo gaaraysa illaa iyo kun askari markiiba isla maraakaana Standardka dugsigaas kor loo qaado lagana dhigo mid u dhigma lana tartami kara dugsiyada ay tababarada ku qaataan ciidamada ka tirsan waddamada caalamka ee horey u maray.
Mar aanu weydiinay waxa ay tahay baahida keentay in ciidamada ay tababaro ku qaatan waddamo dibadda ah ayaa waxa uu taliyuhu sheegay in arrintaasu aysan ahayn oo keliya mid ku kooban ciidamada Booliska ee xitaa shaqaalaha ka tirsan hayadaha kale ee dowladda ama ardayda dhamaysata dugsiyada sare ama jaamacadaha ay tababaro ay kor ugu qaadayaan heerkooda aqooneed dibadaha u aadaan si ay u helaan aqoon dheeraad ah ama shahaadooyin ka sareeya kuwa ay markaas haystaan.
Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in ciidanka booliska soomaaliyeed uu waagii berri samaadka ka mid ahaa ciidamada booliska ee ugu tayada wanaagsan waddamada caalamka siiba marka laga hadlayo ka hortagga dambiyada ama baarista iyo dabaggalka lagu sameeyo dambiyada iyo dadka geystay fal dambiyeedkaas.
Hoggaanka baarista dambiyada ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed Criminal Investigation Department ”CID” wuxuu lahaa awood iyo aqoon la mid ah kuwa ay haysteen ciidamada baarista dambiyada ee waddamada Yurub iyo dunida hore u martay marka loo eegoo waqtigaas. Burburkii dalka ka dib iyo caalamka oo isbeddel iyo horumar weyn sameeyay waa lagama maarmaan in ciidankeenuna ay helaan aqoon ku filan iyo qibrad ay kula jaan qaadaan caalamka, si ay waajibaadkooda ugu gutaan si wanaagsan.
Sareeye Gaas Dr Shariif Sheekhuna Maye Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed mar aan weydiinay suaal ahayd waxa u qorsheysan ayaa waxa uu noo sheegay in ciidanka booliska soomaaliyeed ay diyaar u tahay qorshe howleedka ay ku howlgali doonaan sannadaha soo socda ee 2013-2014, isla markaana ay goor dhow o oka mid ah toddobaadyada foodda inagu soo haysa ay saraakiishii loo xushay amaba ku guuleystay inay ka qayb galaan koorsooyinkaas ay u ambabixi doonaan waddamada ay tababaradaas ku soo qaadan lahaayeen.
Mar aan taliyaha cidanka booliska weydiinay bal inuu tusaale naga siiyo noocyada xirfadeed ama aqooneed ee ay ku soo qaadan doonaan ciidamadaas tababarada ay u aadi doonaan waddamadaas kala duwana ayaa waxa uu taliyhu ka xusay inay yhiin aqoono kala duwan oo mar walba u qalanta sarkaalka ka qayb galaya inuu kaga howlgalo hadba xafiiska ama hoggaanka uu ka tirsan yahay, tusaale ahaan saraakjiisha aadi doonta dalka Masar waxay la qaadan doonaan saraakiil ka socota dalka Masar iyo qaar ka mid ah waddamada kale ee carabta iyo Afrika koorso lagu magacaabo Border Protection, illaalinta xuduudaha.
Illaalinta xuduudaha (Border Protection) marka laga hadlayo dadku waxay isweydiiayaan amaba isla markiiba maskaxdooda ku soo dhacaysa xuduudda dheer ee aan la wadaagno waddamada deriska. Xuduudda ma ahan oo keliya kan dhulka ee xitaa waxaa ka mid ah daroomada diyaaradaha iyo dekadaha, halkaasoo ah meel ka mid ah xuduudaha dalka laga soo galo ama badeecadaha kala duwan lagala soo dego sidaa darteed waa in ciidanka boolisku ay aqoon durugsan iyo waaya aragnimo u leeyihiin sida looga howlgalo loona illaaliyo xuduudahaas ku yaal garoomada iyo dekadaha, oo ay ka hortagi karaan wax walba oo sharci darro ah ee halkaas laga soo gelinayo ama ka baxaya.Koorsadaas waxaa nooga qayb gali doona haddii allaha awoodda lihi saamaxo afar sarkaal oo soo buuxiyay shuruudihii laga doonayay ka qayb hgala yaasha waxaana ay bixi doonaan maalinta jimcaha ee bishani tahay 31 august.
Sidoo saraakiil kale ayaa waxay iyana toddobaadka soo socda tababaro la xiriira ka hortagga ama la dagaalanka argagaxisada khadka computerka ama internetka ”Cyper Terrorism”, sida loola hadlo ama lala gorgortamo afduubayaasha”Hostage Negotiation”, baritaanka qaraxa markuu dhaco ka dib”Post Plast Investigation”, sida loo maamulo kontoroolida xaduudyada ”Border Cntrol Management”, sir aruurinta, iyo baaritaanka ama kala falaqaynta sirta la aruuriyay ”intelligance gatheringand analysis” tababarkaasna waxaa ka sokow ciidanka Booliska Soomaaliyeed ka qayb gali doonaa saraakiil iyo ciidamo kale oo ka socda waddamada ku yaal Bariga iyo Bartamaha Afrika.
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sidoo kale noo sheegay in toddobaadyada foodda nagu soo haya uu socdaalo shaqo ah ku tagi doono qaar ka mid ah waddamada ay ciidamadooda Boolisku ku sugan yihiin Soomaaliya isla markaana uu sidoo kale socdaal ugu ku tagi dalka Sierra Leone, sidoo kalena uu magaalada Kampala kaga qayb gali dooona shir ay lixdii biloodba mar yeeshaan taliyeyaasha ciidamada Booliska ee dalalka bariga Afrika.
Said Axmed
sidaxmed@yahoo.se
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|