|
Shir looga wada hadlay hirgelinta waxbarashada dadka waa weyn
Örebro Arbaco 29 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Shir looga wada hadlay hirgelinta waxbarashada dadka waa weyn
Waxa lagu qabtay Magaaladan Orebro shir looga wada hadlay hir gelinta wax baridda dadka waa weyn
si baahida jirto leysula gorfeeyo go'aana looga wada gaaro.
Waxa ka soo qeyb galay kulanka kuna sharaxay aragtidoda iyo baahida loo qabo wax baridda dadka waa weyn
Guddomiyaha Jaaliyadda Afrikhorn Kultur Center Mudane Mahdi Warsame,xubno ka tirsan ururka iyo
Annacharlott Karlsson madaxa qeybta waxbarashada dadka waaweyn,Lenart Balstedt xogyayaha qeybtas,
Peter Hovlund iyo Matteas Molin madaxa iyo ku xiggenka Machadka Waxbarashada.
Shirka oo ay diyaarisay Jaaliyadda Afrikhor Kultur Center ayaa wuxuu ku yimid fikrad ay wada jir u soo
jeediyeen Mudane Yuusuf Cabdo Xildhibaan Golaha Degaanka Orebro iyo Muxidiin Cabdi Axmad oo ka mid
macaliminta Gobolka Orebro land ahna aqoon yahay ku taqasusay arimaha Bulshada,kuwaaso
la kulmay dad badan oo ka cabanayo dhibaato waxbarashada ka heysata.
Mudane Mahdi Warsame wuxuu meesha ka sheegay in qof weyn aan wax qori karin ay dhibaato tahay in
laga gudbana ay lama huraan tahay,wuxuu u mahad celiyay inta xilka iska saartay oo soo qaban qaabisay
is aragaan,ballana wuxuu ku qaaday inuusan noqon kii ugu dambeeyay,isla markaana wuxuu ku booriyay
ka soo qeyb galayasha sida ay muhim u tahay iney isu geyaan aqoontoda uguna faaidyan dadkoda.
Fikrado kala duwan ayaa laga dhiibtay taaso ay ka mid ahayd in la saxo khaladadka jiro oo inta ay wax u bilaaaban yihiin loo dhamystiro,lana sii riixo ayado loo diyarinayo meelihi ay wax ku baran lahayen ayado
la wada og yahay qofka aanan ku hadlin luqadda dalka inuusan shaqo heleyeynin loo diyaariyo xirfado lagu
baranayo afkooga Hooyo.




Waxaa diyaariyay
Hassan Osman
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|