|
Ciidamada Dowladda KMG ah ee Soomaaliya oo Qarax lagula eegtay Magaalada Marka
Mogadishu Arbaco 29 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Ciidamada Dowladda KMG ah ee Soomaaliya oo Qarax lagula eegtay Magaalada Marka
Inta la xaqiijiyay ilaa laba qof ayaa ku dhimatay dhowr kalena dhaawacyo ayaa kasoo gaaray kaddib qaraxyo ay xalay ka dhaceen gudaha Magaalada Marko ee xarunta gobolka Shabeellada hoose, xilli ay halkaas ay howlo baaritaano ah ka wadeen Ciidamada Dowlada Soomaaliya ee dhawaan magaaladasi ka qabsaday Kooxda Alshabaab.
Qaraxyadan ayaa waxay ka dhaceen goob shaah lagu cabo iyo saldhigga degmada Marka halkaasoo la sheegay in markii qaraxyadu ay dhacayeen ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda iyo dad shacab ah.
Goobjoogayaal ku sugan Marka ayaa sheegay in qaraxyadu ay ahaayeen kuwo aad u waaweyn, balse aysan geysan wax khasaare ah waxaana wararku sheegayaan in gallinkii dambe ee shalay qaraxyo kale dhaceen xarunta idaacadda Andulus ay ku lahayd Magaalada Marka xilli ay ciidamadu sameynayeen baaritaanno.
Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa shalay si buuxda gudaha ugu galay Magaalada Marka halkaasoo ay maalin ka hor Al-shabaab isaga baxday, iyadoo mas'uuliyiinta dowladda ay rajo ka muujiyeen inaysan wax falal ammaan-darro ah aysan ka dhici doonin Marka
Magaalada Marka oo 90-km Koonfur kaga beegan Muqdisho ayaa waxay noqonaysaa meelihii ugu dambeyay oo ay ciidamada AMISOM iyo kuwa Soomaalida ka qabsadaan tan iyo markii ay howgalkooda ka billaabeen Muqdisho sannadkii 2007 oo laga joogo muddo shan sano ah.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|