|
Qurbejoogta beesha Moobleen Cismaan oo war-saxaafadeed ka soo Yurub
London Arbaco 29 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|
Qurbejoogta beesha Moobleen Cismaan oo war-saxaafadeed ka soo Yurub
Qurbejoogta Moobleen ee Yurub iyagoo ka shidaal qaadanaya qodobadii ka soo baxay shirweynihii 2aad ee beesha oo lagu qabtay dalka Sweden, magaalada Flen 14kii ilaa 15kii July 2012 waxay soo saareen 9ka qodob ee hoos ku qoran.
Qurbejoogta Moobleen:
1.Waxay hambalyo iyo taageero aan loo kala harin ay u dirayaan walaalkood Nuur Maxamed Xuseen (Siidow) oo ka mid ah xildhbinaada cusub ee Baarlamaanka Somaliya.
2. Waxay taageersanyihiin in Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu mar 2aad u taagan yahay hoggaanka sare ee dalka oo uu ku muutaystay halgankiisii dheeraa ee ku wajahanaa samatabixinta dalka iyo badbaadinta dadweynaha somaliyeed oo dedaalkiisa ILLAAH sida aan ognahay la garab galay. Mahadsandin Mudane Madaxweyne, waad mudan tahay in lagaa abaalmariyo dedaalkaaga wadanimo ee aad muujisay mar 2aadna lagu soo doorto oo aad hoggaan caadil ah noo noqoto..
3. Waxaan aad u taageersannahay is-bedellada siyaasadeed ee dalka ka socda iyo sidoo kale guulaha wax ku oolka ah ay soo hoyiyeen geesiyaasha somaliyeed ee uu hoggaanka u yahay Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Madaxweynaha Dawladda Federalka Somaliya iyo Ciidamada Xoogga Dalka Somaliyeed.
4. Waxaan ugu baaqaynaa ciidamada Xoogga Dalka Somaliyeed iyo hoggaanka sare ee dalka in aan hawlihii ammaanka dalka lagu hanayey aan hakad la gelin oo dib loo dar-dar geliyo laguna ekaanin Balcad, Afgooye iyo Marka oo keliya.
5. Sidoo kale waxaan dhambaal hambalyo, taageero iyo dhiirigelinba isugu jira u diraynaa Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) oo taageradan ku kasbaday geesinimo, hawlkarnimo iyo wadanimo aan marna la xaqiri karin oo uu muujiyey mudadii gaabnayd ee uu maamulka gobolka Benaadir madaxda ka ahaa, isagoo hawlo wax ku ool ah ka qabtay gobolka si aan hagar lahaynna ugu dedaalaya ilaa hadda sidii uu uga qayb qaadan lahaa sugidda ammaanka gobolka Benaadir iyo soo celinta bilicdii caasimadda qaranka Somaliyeed.
6. Kooxaha nabad-diidka ah waxaa habboon in markaan ay gartaan in wakhtigoodii dhammaaday dadkuna aanay u baahnayn in dhibaatooyin kale loo geysto. Sidaa darteed, waxaan ugu baaqaynaa in ay dhammaan degaanada hadda ay ka taliyaan ay si nabad ah uga baxaan inta an waago ku baryin shacabkana loo daneeyaan oo aan shacabka dhexdooda lagu dagaalamin.
7. Dhammaan siyaasiyiinta Somaliyeed waxaan ugu baaqaynaa inay muujiyaan xilkasnimo iyo si waddanimo ku dheehan tahay in ay isaga xilsaaraan sidii wakhtigan adag ee kala guurka si hufan looga gudbi lahaa qaliga iyo dimuqraadiyadana ay shaqayso.
8. Waxa kale oo aan ugu baaqanaynaa hoggaanka sare ee dalka in jagooyinka dawladda si caddaalad ah loo qaybsado lagana qayb geliyo beesha Moobleen Cismaan oo tirsanaysa caddalaad darro oo aan muddo aad dheer laga qaybgelin jagooyinka dawladda.
Qurbejoogta Moobleen mar 2aad waxay hambalo leeyihiin xildhibaan Nuur Maxamed Xuseen (Siidow), waxayna ILLAAHAY uga baryayaan in xilkaa loo idmaday uu ILLAAH la garab galo kana dhigo kii xilkaas si xilkasnimo, daacadnimo iyo wadanimo ku jirto u guta.
WA BILLAAHI TOWFIIQ.
Qurbejoogta Moobleen:
1. Jaamac Xuseen Xaashi
2. Abdulqaadir Xasan Nuur
3. Liibaan Jumcaale (Jumcaale Moobleen)
4. Cabdulqaadir Cali Muudey (Buunye)
5. Maxamed Xasan Cismaan
6. Abshir Maxamed Cali
7. Drs. Maria Cali
8. Ismaaciil Cismaan Cabdullaahi
9. Saciid Maxamed Sheekh
10. Xuseen Ibraahim Cali
11. Cabdullaahi Maxamuud Qalimow
12. Cabdulqaadir Mooge Cali
13. Cumar Maxamuud Qalimow
14. Daahir Yuusuf Axmed (Daahir dheere)
15. Abdullaahi Barre Shuuni
16. Jamaal Rooble Geedoow
17. Saalax Ibraahim Rooble
18. Abshir Maxamed Cali
19. Muuse Xassan Abuukar " Jalafeey"
20. C/xakiim Shariif
21. Raxiimo Matoore
22. Saynab Ibraahim Rooble
23. C/qaadir Maxamed Cumar
24. C/laahi Cumar Katiin
25. Muuse Boore Cali
26. Maxamed Nuur Qalimoow
27. Saciid Xamsoow
28. Maxamd Nuur (Maduubte)
29. Sahal Axmed Xassan
30. Maxamed Xuseen Xassan
31. Maxamed Cabdulle Bariise
32. Cumar Xasan Raage
33. Mooge Cumar Goosaar
WA BILLAAHI TOWFIIQ.
Guddiga Qurbejoogta Moobleen ee Yurub kala soo xiriir: jama.hashi@hotmail.com
Unquote:
Waad mahadsanidin.
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|