Somali News
    Hees  

Qaraxyo Shacab iyo Ciidamo Boolis ku dhinteen oo Mombasa ka dhacay

Mogadishu Arbaco 29 August 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Qaraxyo Shacab iyo Ciidamo Boolis ku dhinteen oo Mombasa ka dhacay

Sida ay sheegayaan wararka laga helaayo Magaalada Xeebta ee Mombasa Ugu yaraan afar qof oo saddex ka mid ah ay ka tirsan yihiin booliiska Kenya iyo qof rayid ah ayaa ku dhintay qaraxyo ka dhacay magaalada Mombasa ee dalka Kenya, waxaana qaraxyadan ku dhaawacmay 16 ka tirsan booliiska Kenya.

Qaraxyadan oo loo adeegsaday bambooyinka gacanta ayaa waxaa lala beegsaday ciidammo isku dayay inay joojiyaan rabshado ay sameynayeen muslimiinta ka caroday dil Isniintii lasoo dhaafay loogu geystay magalaadaas wadaad caan ah oo lagu magacaabi jiray Cabdow Rogo Maxamed.

Dhallinyaro Boqolaal ah oo careysan ayaa rabshadaha ka socda Mombasa qayb ka ah kuwaasoo dhagaxaan la beegsanaya meel walba, sidoo kalena gubay gaadiid iyo dukaammo, sidoo kalena waxay galeen kaniisado iyagoo qaatay wixii halkaas dhex-yaallay.

Dadka ajnabiga ah ee ku nool Kenya ayaa loogu baaqay inaysan u safrin magaalada Mombasa oo 500-km bari kaga beegan magaalada Nairobi ee xarunta Kenya, iyadoo dowladda Kenya ay isku dayaysaa inay joojiso rabshadaha oo uu muuqda kuwo sii baahaya.

Dilka Sheekh Rogo ayay booliisku sheegeen inay ka dambeeyeen kooxo hubeysna oo aan la garanayn, kaddib markii ay ku weerareen gaari mini-bus ah oo xaaskiisa iyo caruurtiisa ay la saarnaayeen, lamana oga khasaaraha gaaray qoyskiisa.

Dhallinyaro careysan ayaa ku qaylinayay in la dilay wadaad ay aad u jeclaayeen waxayna dilkiisa ku eedeeyeen inay ka dambeeyeen masiixiyiin ay sheegeen inay booliiska gacan-saar la leeyihiin.

Xukuumadda Washington iyo Qaramada Midoobay ayaa sheegay in Sheekh Rogo uu xiriir adag la lahaa Al-shabaab, sidoo kalena uu dhallinyarada Kenya ku guubaabin jiray inay u dagaalamaan Al-shabaab.




Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)