|
Wararkii ugu dambeyay iyo dagaalo Qaraar oo ka soconaaya Gobalka Jubadda Hoose
Mogadishu Arbaco 29 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Wararkii ugu dambeyay iyo dagaalo Qaraar oo ka soconaaya Gobalka Jubadda Hoose
Wararka ugu dambeeya ee laga helaayo Gobalka Jubada Hoose ayaa sheegaya in Dagaallo culus oo u dhexeeyo Ciidamada Huwanta Iyo
Malayshaadka Kooxda Alshabaab uu saaka ka qarxay deegaanka Cag-libaax ee duleedka Afmadow.
Warka laga heleyno degmada Afmadow ayaa intaa ku darayaa in ciidamada Isgarabsanaaya ay saaka weerar qorsheysan ku ekeeyeen saldhig
Al-shabaab ku lahaayeen deegaanka Cag-libaax ee duleedka Afmadow, waxaana dagaalku uu ka soconayaa dhulka howdka ah ee isku xira Afmadow
iyo deegaanka Birta dheer.
Dad Goobjoog ku ah hadla lagu dagaalamaayo ayaa ayaa Somaliweyn.com u sheegay in saaka ay arkayeen ciidamo aad u tiro badan oo isugu jira
kuwa dowladaha Soomaalia iyo Kenya oo ku qalabeysan gaadiidka dagaalka iyo taangiyo oo u sii dhaqaaqaya dhanka deegaanka uu dagaalka xooggan
ka socdo ee Cag-libaax.
Sarkiil Ciidamada Dowlada ka tirsan oo ay warbaahintu la xiriirtay ayaa ka gaabsaday in xiligan ay faahfaahin buuxda ka bixiyaan
dagaalada soconaaya waxaana ay sheegeen in dhawaan ay warbaahinta la hadli doonaan.
Majirto warar madax banan oo lagu xaqiijin karo saameynta iyo qasaaraha ka dhashay dagaalka ka soconaaya degaano ka tirsan gobalka
Jubada Hoose inkastoo Maalmahii ugu dambeeyay la arkayay dhaqdhaqaayo xoogan oo ay wadeen Ciidamada Isgarabsanayaa oo qorshahoodu yahay in
Magaalada Kismaayo ay farahooda ka bixiyaan Kooxda Alshabaab si la mid ah sida magaalada Marka oo maalin ka hor Shabaab loga itaal roonaaday.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|