Somali News
    Hees  

Xubnihii loo diidanaa inay ka mid noqdaan Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya oo Maxkamada Sare ogolaatay inay ku biiraan Baarlamaanka

Mogadishu Arbaco 29 August 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Xubnihii loo diidanaa inay ka mid noqdaan Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya oo Maxkamada Sare ogolaatay inay ku biiraan Baarlamaanka.

Maxkamada sare ee dalka ayaa si buuxda u sheegaty inay shaqsiyaadkii horay loogu diiday inay Baarlamaanka ka mid noqdaan ay ka mid noqon karaan baarlamaanka, islamarkaana aan wax dembi ah lagu hayn, sidaasna loogu qeybiyay kaararka aqoonsiga Golaha Baarlamaanka.

Xildhibaanadan uu gudiga farsamada ka horistaagay inay ka mid noqdaan Baarlamaanka cusub ayaa waxay tiradoodu gaaraysaa ilaa 15 xubnood, wuxuuna Gudoomiyaha maxkamadda sare sheegay inay xaq u leeyihiin inay baarlamaanka ka mid noqdaan maadaama aanay jirin maxkamad ku xukuntay dambiyo dagaal oo ay horay u geysteen.

Qoraal ka soo baxay Maxkamadda Sare ayaa lagu sheegay in eedeymha loo soo jeediyay xubnahaasi aysan waxba ka jirin, waxaana qoraalkaasi lagu cadeeyay in shuruudaha lagu ogolaan karo ka mid noqoshada baarlamaanka aysan ku jirin in ruux aan dambi lahayn loo diido inuu Baarlamaanka galo.

Xildhibaanadan ay maxkamadda sare u ogolaatay inay ka mid noqdaan Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya, islamarkaana la sheegay inaysan Wax dembi ah gelin oo aan lagu soo cadayn ayaa waxay kala yihiin Magacyadooda sidan:

1-Maxamed Qanyare Afrax
2-Bootaan Ciise Caalin
3-Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish)
4-Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe)
5-Maxamed Ibraahim Xaabsade
6-C/casiis Sheekh Yuusuf
7-C/raxmaan Xaaji Aadan Ibbi
8-Axmed Ducaale Geelle Xaaf
9-Xirsi Aadan Rooble
10-C/qaadir Xaaji Maxamed Yuusuf (Luga-Dheere)
11-Maxamed Faarax Jimcaale
12-Aadan Maxamed Nuur Xaydar (Aadan Saransoor)
13-Maxamed Xuseen Isaaq Afaraale
14-Maxamed Xuseen Nuur Xagaafi
15-C/llaahi Sheekh Ismaaciil

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)