|
Maamulka Banadir State oo taageeray doorashada Guddoonka Baarlamaanka cusub
Mogadishu Arbaco 29 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Maamulka Banadir State oo taageeray doorashada Guddoonka Baarlamaanka cusub
Kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho maamul goboleedka Banadir State ayaa looga hadlay guud ahaan xaaladda wadanka uu maarayo, gaar ahaan isbedelada dalka ka socda ee loogu sameynayo Dowlad rasmi ah oo Soomaaliya yeelato.
Shirkaasi waxaa ka soo qeyb galay dhammaanba madaxda waaxyaha kala duwan ee maamulkaasi uu leeyahay, waxaana shir guddoominayay Madaxweynaha maamulka Banadir State Maxamed C/raxmaan Cali, iyadoona looga dooday qodobo xasaasi ah oo ku saabsan xaaladda dalka.
Madax ka tirsan Golaha Wasiirada dowlad goboleedka Banadir State ayaa shirkaasi ka jeediyay khudbooyin kala duwan, iyagoona ka hadlay dhinacyada ammaanka, waxbarashada, caafimaadka iyo guud ahaan waxsoosaarka dalka, waxayna isla meel dhigeen qodobo dhowr ah oo ku saabsanaa waxyaabihii ay ka wadahadleen.
Dhinaca kale maamul goboleedka Banadir State ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray waxa uu ku taageeray qaabka ay ku dhacday doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya oo loo doortay Md. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.
War-saxaafadeedka ka soo baxay maamulka Banadir State oo sidiisa u qoran kuna taageerayo guddoonka cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya hoos ka akhriso:-


Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|