Somali News
    Hees  

Kulan balaaran oo lagu Taageerayay Xildhibaanada Beelaha Jareerweyne oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho.

Mogadishu Arbaco 29 August 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Kulan balaaran oo lagu Taageerayay Xildhibaanada Beelaha Jareerweyne oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho.

Kulan aad u balaaran oo ay ka soo qeyb galeen Nabadoono, Siyaasiyiin, Aqoonyaahno, Dhalinyaro, Haween iyo waxgarad oo lagu taageerayay Todobada Xildhibaanada Cusub ee Beelaha Jareerweyne kamid noqashada Baarlamaanka Soomaaliyeed ayaa lagu qabtya hotel city Place ee Magaalada Muqdisho.

Madasha kulan ee hotel city oo ay isugu yimaadeen Qado Sharaf in kabadan boqol qof oo ay ku jireen Xildhibaadadii hore oo haatan waayay xubinnimada ayaa si wada jir ah halkaasi ku wada qaatay Qado sharafka lagu casuumay oo ay soo qaban qaabiyeen golaha midnimada saldanada Beelaha Lexda Shiidle, ka soo qeyb galayaasha kulan ayaa wajiyadooda laga dheehanayay farxad iyo u hambalyeenta walaalahooda ku biiray Xildhibaanada Qaranka Soomaaliyeed.

Aayadaha Qur’aanka ayaa lagu furna bilaawga qubadaha lagu Taareerayay Xildhibaanada Cusus ee beelaha Jareerweyne.

Nabaddoon Axmed Abey oo ka soo jeeda G/Shabelada Dhaxe ahna yaraanka Beelaha Shiidle oo ugu horeyntii ka hadlay kulanka taageerada ayaa soo jeediyey erayo dhaxal gal ah iyo in ay midnimada ku dadaalaan Xildhibaanda, wuxuuna halkaasi ka cadeyey in ay mudan yihiin xilka Xildhibaanimo lagu taageero Kuraasta ay u soo dhiciyeen Beelaha Jareerweyne, si sharci ahna ay ku soo galeen Golaha Baarlamaanka Soomaaliyeed.

Kulankan lagu taageerayey Xildhibaanada oo ay ka hadleen Odayaal Dhowr ah iyo siyaasiyiinta jareerwene ee daga deegaanka G/shabelada Dhexe ayaa ka mid ahaa Nabadooka Beesha Kaboole, Nabadoonka Beesha Mahuraan iyo Naboonada Lexda Shidle oo codkooda si buuxda ugu biriyay taageerada xildhibaanada beelaha Jareerweyne .

Gudoomiyaha Midnimada Saldanada Beelaha Lexda Shiidle mudane Xasan Axmed Muudey oo mid ah Siyaasiyiinta Jareerweyne ayaa sharaxaad dheeraad ah ka bixiyey qeymaha uu ugu fadhiyo kulankan lagu taageerayo xildhibaada u suuragashay in ay ku guuleysato Kuraasta Baarlamaanka cusub “waxaad ku mahadsan tihiin ka soo qeyb galkiina oo aan idinkugu yeernay Taareeradan sidoo kale waxaan u mahad celinaynaa inta gacanta ka geesatay kulanka balaaran oo aan mudo iskugu imaan Jareerweyne, waxaan ku amaanayaa Xildhibaanka cusub Maxamed Cumar Ceymooy oo ku bixiyay juhdi aan la soo koobi Karin in ay halkan isku arkaan Jareerweyne wax garadkiisa “sidana waxaa yiri Mr.Muudey.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ah siyaasiga ugu caansan beelaha Jareerweyne ayaa sheegay in uu aad ugu farax san yahay ka soo qeygal madasha ay ku kulansan yihiin Beelaha Jareerwenye “waxaan leenaha taariiq soo jireen ah aan leysku qaldi Karin, siyaadadana waa mida aan u taagan nahay in aan wax ugu qabano shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan qowmiyada aan ka dhashay ee Jareerweyne, Beelaha Shiidlo waa Indhaha iyo Nabadeyta Jareerweynaha Soomaaliyeed” sidaana waxaa yiri Prof. Dalxa.

Xildhibaanad Maryan Aweys jamac oo aad aad ula dhacsaneey kulanka lagu taageerayay xildhiabaada cusub ayaa tiri “ waa markii igu horeysay in aan ka soo qeyn galo kulan ay isku yimaadeyn dad aad u tiran badan oo jareerweyne ah inta aan ku sugaan Muqdisho ama golaha wasiirada ku jiray ,oo xil la isku taageerayo tani waxay igu dhiiro gelineysa in aan guto waajibaadka iyo xaqa aad igu leedihiin ee xildhibaanimo waxaana balan qaadayaa la jirkiina iyo taladiina in aan u dhego nuglaado”.

“Sidoo kale waxaa qalbigeyga ka tirmi la’ dadkeena soo baro kacay oo xeryaha qaxootiga ku tabaaleysan wax u qabadkooda , waxaana Hooyooyinka kula dardaamayaa in ay caruurta wax baraan” Maryan Aweys ayaa sidaa tiri.


Ugu dambeentii waxaa ka hadashay Xildhibaanka gacanta weyn ka geestay kulanka mudane Xildhibaan Maxamed Cumar Ceymooy oo u mahad celiyay Dhamaan ka soo qeyb galayaasha Qado sharafta lagu taageerayey xildhibaanada jareerweyne waxuuna sheegay in uu dadaal badan u galay ka mid noqoshada Xildhibaanada Cusub waxuuna cadeyaya uu ka soo dhalaali doono doorka ay ku leehiyiin baarlamaanka Soomaaliya

“ waxaan ahay xildhibaan cusub waxaan dalbanayaa isku duubnaansho iyo wado sheqeyn dhexdeena ah xildhibaanada hore waxaa ka rabnaa qibrad iyo waxa ay soo arkeen inay inoo sheegaan, wax garadka jarerweyen waxaad tihiin baalasha aad ku dooleyno taladiina iyo figradihiina saliimka ah waan soo dhabeynayaa, gobolada ay dagaan Jareerweyen waxaa u raleynayaa horumar iyo Nabad ku wada no laansho Shacabka Soomaaliyeed.” sidaana waxaa yiri Xildhibaan Caymooy.

Dhamaan ka soo qeyb galayaasha kulanka taageerada Xildhibaanada Jareerweyne ayaa ku dhiiro gelinayey Sacab, gabayo iyo maansooyinka Suugaan Beeraleyda Soomaaliyeed Odeygii ugu Da’da weynaa ee ka soo qeyb galay kulanka ayaa u duceeyay Xildhibaanada in Allah la garab galo Mas’uuliyada ay u qaadeen Shacabka Soomaaliyeed.
















Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)