Somali News
    Hees  

Madaxweyne Siilaanyo oo maanta xilkii ka qaaday wasiirkii warfaafinta iyo dadweynaha

Hargeysa Arbaco 29 August 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Madaxweyne Siilaanyo oo maanta xilkii ka qaaday wasiirkii warfaafinta iyo dadweynaha magaalada Hargeysa oo su`aal iska weydiinaaya sababta keentay xil ka qaadistisa

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu maanta Digreeto madaxweyne No: JSL/M/XILQ/249/1-1280/082012 xilka kaga qaaday Wasiirkii Wasaaradda Warfaafinta iyo wacyigelinta JSL.

Madaxweynuhu:-

Waxa uu Digreetadaa ku yidhi:-

UJEEDO: XIL-KA QAADIS

Cabdi yuusuf Ducaale (Boobe) wasiirkii Wasaaradda Warfaafinta iyo wacyigelinta

MUDANE,

Waxa aan aad kuugu mahadinayaa mudadii aynu wada shaqaynaynay. Xilalka Qaranka ayay dabcigiisa tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo.

Sidaa darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo wacyigelinta JSL.

Haddaba waxaan kaa rajaynayaa in aad si niyad sami ah ugu wareejiso xilkii aad haysay, si ku meel gaadh ah Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga JSL, Mudane Axmed Xaaji Cali Cadami, inta aan cid u soo magacaabayo.

ALLAA MAHAD LEH

Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

Jamaal Ibrahim Maxamed
Somaliweyn Media Center
Hargeysa,
Tel. 002522-4405388 
mustaqbal7@hotmail.com  

 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)