Somali News
    Hees  

Danjire Abdullahi Abdiaziz Hassan Oo Shacabka Ugu Hambalyeeyay Doorashada Ka Dhacday Dalka

Mogadishu Arbaco 29 August 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


image

Danjire Abdullahi Abdiaziz Hassan ayaa shacabka Soomaaliyeed iyo mudaneyaasha baarlamanka ugu hambalyeyay doorashada gudoonka Baarlamanka iyo ku xigeenadiisa.

Danjiraha oo Wareysi Siiyay Idacadaha Caalamiga iyo Kuwa Maxaliga ah ayaa shacbiga Soomaaliyed iyo mudanayaasha baarlamaanka ugu hambalyeeyey doorashada gudoonka baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa oo maanta ka dhacday xarunta akadeemiyada General Kaahiye ee magaalada Muqdisho.

Danjiraha oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in muddo 42 sanno ah kaddib magaalada Muqdisho ay ka dhacdo doorashada madaxda Qaranka ay tahay dhacdo muhiim ah, waxa uuna Alle uga beryey shacabka Soomaaliyeed in ay hantaan Qarankoodii, maadaama hadda la guda galay dhismihii hay’addaha sharci dajinta ee dowladda.

Waxaa kaloo uu danjiraha Halkaan uu ugu direy fariin Howshii cakirneed ee uu Guddoomiyaha maxkamadda sare Abu Kaate Caydiid Cabdulaahi Ilka Xanaf ayaa ku dhawaaqay in xubnahii loo diiday in ay kamid noqdaan Baarlamaanka in maanta kadib ay kamid yihiin Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.

Danjiraha ayaa u mahad celiyay dhamaan dadkii ka shaqeeyay hormarka dalka iyo qabsoomida doorashooyinka madaxda dalka ugu sareysa oo qaarkood haatan lagu guuleysatay in si nabad galyo ah ay u dhacdo.

Ugu dambeyntii Danjiraha ayaa shacbiga nabada jecel ka codsaday in ay ka shaqeeyaan nabadda iyo hormarka iskana iloowaan dhaawacyadii ka soo gaaray mudadii uu burburka jiray lana wajaho dib u dhis dalka iyo kala dambeynta.

Danjiraha ayaa shegay in maalmaha soo socda lagu wadaa in isla caasimadda lagu qabto doorashada madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, si loo soo dhammeystiro dhismaha hay’addaha Qaranka Soomaaliyeed.

Mar labaad Waxaan leeyahay Guul Guul

Abdullahi Hassan
garoowe1@gmail.com

 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)