|
Al-Shabaab oo lagu eedeeyay dilkii ka dhacay Mombasa ee lagu dilay wadaad caan ahaa
Mogadishu Arbaco 29 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Al-Shabaab oo lagu eedeeyay dilkii ka dhacay Mombasa ee lagu dilay wadaad caan ahaa.
Booliska kenya ayaa dilkii maalmo ka hor magaalada Mombasa loogu geystay wadaad diimeed caan ahaa ku eedeeyay inay ka dambeeyeen xarakada al shabab ee somalia ka dagaalanta.
Ku xigeenka afayeenka ciidamada booliska kenya Charles Owino ayaasheegay in falalka sidaan oo kala ah oo loo adeegsado bombaanooyin iyo bastoolado lagu yaqaano Al shabab, waa sida uu hadalka u dhigay isagoo sheegay in booliska kenya dilka wadaadka aysan wax lug ah ku leheyn.
Charles Owino Ku xigeenka afayeenka ciidamada booliska kenya ayaa sidoo kale sheegay inay wadaan baaritaano oo ay ku raad joogaan cidii ka dambeysay dilkaasi , waxana uu sidoo kale shaaciyay inay jiraan dad lagu tuhmayo dilka oo haatan ku jira xabsi ku yaala magaalada Mombasa .
Dilka wadaad diimeedkan caanka ahaa ayaa dowladda mareykanka waxa ay ku dartay illiska waxa ay ugu yeerto argigixisada , waxana ay ku eedeysay inuu ka tirsan yahay Al shabab.
Magaalada Mombasana weli waxaa ka taagan rabshado ka dhashay dilka wadaadkaasi kenyaatiga ah kuwaas oo sababsaday nolosha dad ka qeybqaadanayay dibad baxyad.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|