Somali News
    Hees  

Augustine P. Mahiga : "Waa in 10 maalin lagu soo doortaa madaxweynaha Soomaaliya.."

Mogadishu Arbaco 29 August 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Augustine P. Mahiga : "Waa in 10 maalin lagu soo doortaa madaxweynaha Soomaaliya.."

Ergeyga QM u qaabilsan arimaha somalia Augustine P. Mahiga ayaa warsaxaafadeed uu ka soo saaray xafiiskiisa UNPOSS ku tilmaamay doorashadii Professor Mohammed Osman Jawari iyo ku xigeenadiisa waa cusub oo dalka somalia u dhashay , waxana uu mahiiga uu sheegay in Professor Mohammed shiikh Osman Jawari uu yahay shaqsi uu aad u yaqaano islamarkaana uu ku kalsoonyahay in dalka somalia uu ka samatabixinayo dhibaatada 21 sano ah ee uu kudhexjiro.

"Xaqiiqdii waa talaabo wanaagsanoo barlamaanka cusub ee somalia uu ku talaabsaday , waa waqtigii horumarka , waa waqtigii hor usocodka "ayuu Mahiga ku yiri warsaxaafadeedka uu soo saaray.

Ambassador Mahiga ayaa sidoo kale sheegay in barlamaanka iyo guddoonkooda cusub looga baahanyahay in sinaan ay ku wada shaqeeyaan, muddo 10 maalin gudahoodna ay ku soo doortaan madaxweyne cusub ee uu dalka somalia uu yeesho.

Somalia hadda waxa ay heshay dowlad buuxda oo aan KMG aheyn waxana lama huraan ah inaan laga leexan wadada somalia dhibaatada ay kaga baxeyso.

Barlamaanka somalia ayaa shalay doortay gudoon iyo ku xigeenadiisa , waxana lagu wadaa in tobon maalin gudahood ay ku soo doortaan madaxweyne.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)