Somali News
    Hees  

Qaramada Midoobey oo cambaareysey dil loo geystey qof ka tirsan shaqaalaha gargaarka

Mogadishu Arbaco 29 August 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Qaramada Midoobey oo cambaareysey dil loo geystey qof ka tirsan shaqaalaha gargaarka

Nayroobi (28 Agoosto 2012) – Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa cambaareyneysa dil shalley qof u shaqeeya Ururka Cuntada iyo Beeraha ee FAO loogu geystey magaalada Marka ee koonfurta Soomaaliya. 

Tan iyo bishii Agoosto 2011, 20 shaqaalaha hawlaha bani’aadamnimada ah ayaa lagu diley Soomaaliya iyaga oo ku dadaalaya in ay gargaar iyo taageero gaarsiiyaan malaayiin qof oo dhibaateysan. Tirada dadka Soomaalida ah ee gargaar nafaha lagu badbaadiyo helaya ayaa noqdey in ka badan laba-laab tan iyo markii macaluusha lagu dhawaaqey bishii Juunyo 2011kii iyada oo Qaramada Midoobey iyo la-hawlgalayaasha bani’aadamnimadu ay kor u qaadeen hawlgallada ay ku gaarayaan bulshooyinka nugul. Maanta, in ka badan 1.6 milyan qof oo Soomaali ah ayaa helaya gargaar cunto, halka 1.7 milyan qofna ay helayaan biyo nadiif ah. Weerarro lagu qaado shaqaalaha gargaarka waxaa ay wax u dhimayaan awoodda ay Qaramada Midoobey u leedahay joogteynta hawlgallo bani’aadamnimo oo waaweyn waxaana uu saameyn ku yeelanayaan nolosha Soomaali nugul. 

Qaramada Midoobey waxaa ay dhammaan dhinacyada ku lugta leh Soomaaliya xusuusineysaa dhexdhexaadnimada iyo muhiimadda ay leedahay hawsha bani’aadamnimada waxaana ay dhammaan dhinacyada ugu baaqeysaa in shaqaalaha gargaarka u oggolaadaan in ay si ammaan ah ugu adeegaan dhibbanayaasha colaadda socota, Qaramada Midoobey waxaa ay dalbaneysaa in dhammaan dhinacyadu ay yareeyaan saameynta ay colaaddu leedahay dadka rayidka ah. 


Macluumaad dheeri ah, fadlan kala soo xiriir: 
Palmira Ciacciarelli, +254 721475368, palmira.ciacciarelli@fao.org 
Roberta Russo, +254733643737, russor@un.org 
ama faallo Af-Soomaali ah kala soo xiriir 
Abdi Yussuf Noor +254 734 210 103, nooryussuf@un.org 

 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)