Somali News
    Hees  

Labada Shariif oo gaaray Nairobi ka dib safar deg deg ah oo ay Muqdisho Uga ambabexeen

Mogadishu Khamiis 2 August 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

Labada Shariif oo gaaray Nairobi ka dib safar deg deg ah oo ay Muqdisho Uga ambabexeen.

Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Gudoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan Magaalada Nairobi ee Xaruunta dalka Kenya.

Labadan Masuul ayaa ka ambabaxay Muqdisho ka dib markii uu dhamaaday Xaflad loo saameeyay dhaamadka ansixinta Dastuurka Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Gudoomiyaha Baarlamanka ayaa waxaa ay magaalada Nairobi kula kulmayaan madax ka kala socotoa caalamka gaar ahaan kuwa daneeya arimaha Soomaaliya.

Warar hoose ayaa sheegay in la qorsheenaayo in malinta barito uu Muqisho ka ambabaxo raisalwaare Gaas.

Xoghayaha Arimaha Dibda ee Dalka Maraykanka Hilary Clinton ayaa waxaa ay kala hadli doontaa madaxda dalka arimo faro badan sida dhamaadka xiliga kala guurka iyo halka Soomaaliya ay u dhaqaadi
doonto.

Madaxda ugu sareysa Dhamaanta waa Musharaxiin u taagan qabashada xilka hogaanka dalka Soomaliya.

Warar hoose oo soo baxay ka hor intii aan la ogaan safarka madaxda sare ee dalka ugu safreen Nairobi ayaa sheegayaa in lagu cadaadin doono madaxda xiligan in ay ka tanaasulaan Musharaxnimadoda iyo in uu hunguri ka galo in mar kale ee dalka Madax ka noqdan.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)