Somali News
    Hees  

Taliyaha Ciidanka Nabad-sugidda Gobolka Banaadir oo ka badabaday Qarax miino oo loo dhigay

Mogadishu Khamiis 2 August 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

Taliyaha Ciidanka Nabad-sugidda Gobolka Banaadir oo ka badabaday Qarax miino oo loo dhigay.

Col. Khaliif Axmed Ereg Taliyaha nabadsugidda gobolka Banaadir ayaa saakay ka badbaaday qarax miino oo la doonayay in lagu dilo, waxaana falkaasi isku dayga qaraxa ah loo qabtay hal qof.

Qaraxa ayaa ahaa miino dhulka lagu aasay oo meelaha fogl laga hago, waxaana miinada la geliyay wado uu mar walba mari jiray Taliyaha Ciidamada Nabadsugida Gobolka Banaadir oo degmada Hodan ah.

Qarxaan lala eegtay Taliyaha ayaa la sheegay inuusan dhalin wax khasaare ah, wuxuuna taliyuhu cadeeyay in weerarkaasi Miino la doonaayay in isaga looga takhaluso, isagoo sheegay inay qabteen wiil dhallinyaro ah oo ay uga shakisannahay inuu hagayay Miinadaasi.

Taliyaha oo saxaafada la hadlaayay ayaa sheegay inay wadaan baaritaano la xiriira cidii ka dambaysay falkaasi Miinada isaga wadada loogu aasay, inkastoo aysan jirin cid sheegatay mas'uuliyadda weerarkan, Hase yeeshee Al-Shabaab ayaa ugaarsi ku haysa Saraakiisha Dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)