Somali News
    Hees  

15-ka dal ee Golaha ammaanka ee QM oo soo dhaweeyay doorashadii Guddoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya iyo ku xigeenadiisa

Mogadishu Khamiis 30 August 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!




15-ka dal ee Golaha ammaanka ee QM oo soo dhaweeyay doorashadii Guddoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya iyo ku xigeenadiisa


Warsaxaafadeed ay soo saareen 15-ka dal ee golaha ammaanka ee QM ayaa lagu soo dhaweeyay horumarkii muddooyinkii dambe laga sameeyay siyaasadda dalka somalia gaar ahaana doorashadii guddoomiyaha barlamaanka iyo ku xigeenadiisa oo golaha amaanka ee QM ay ku tilmaameyn mid taariikhi ah.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu yiri "Golaha ammaanka ee QM waxa uu si aad ah ugu riyaaqsanyahay dalka Soomaaliay oo yeeshay barlamaan aan KMG aheyn oo hab cadaaladeysan u soo doortay guddoon iyo ku xigeenadiisa".

Waxana sidoo kale warsaxaafadeedka golaha amaanka ee QM loogu baaqay barlamaanka somalia inay iska ilaaliyaan dib u dhac oo si dhaqsi ah ay u soo doortaan madaxweyne muddo 10 maalin gudahood ah.

Saxiixayaashii roadmapka iyo siyaasiyiinta soomaalida ayaa goloha amaanka ee QM waxa uu ku dhiiri geliyay inay sii wadaan wada shaqenynta oo ay ku dadaalaan sidii dalka somalia horumar ay u gaariin lahaayeen.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)