|
Al-Shabab oo Muslimiinta Kenya ugu baaqay inay kacaan oo ay gacmaha is qabsadaan ka hor yimaadaan Kuffaarta..."
Mogadishu Khamiis 30 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Al-Shabab oo Muslimiinta Kenya ugu baaqay inay kacaan oo ay gacmaha is qabsadaan ka hor yimaadaan Kuffaarta maamusha ee cadawgooda ah maalkooda iyo naftoodana ku bixiyaan la dagaalanka cadawga Islamka
War saxaafadeed ku qornaa luuqada English,ka oo laga soo saaray xafiiska warfaafinta u qaabilsan Xarakadda Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in Al-Shabab ay ka tacsiyaynayso dilkii dalka Kenya loogu geystay Sh, Cabuud Rogo oo dhawaan koox hubeysan ay ku toogteen bartamaha magaalada Mombasa xilli uu gaari watay.
Al-Shabab waxay war saxaafadeedka ay soo saareen ku sheegeen in dilka wadaadkaasi uu ka dhigan yahay in ugaarsi ay xukuumadda Kenya ku hayso dadka ugu cad cad diinta Islamka ee ku nool wadankaasi waxaana warku intaa ku darayaan in dadka Muslimiinta ah ee Kenya ku nool looga baahanyahay inay kacaan oo ay taageeraan walaalahooda Muslimiinta ah ee dunnida.
War saxaafadeedka ayaa waxaa lagu xusay in inkastoo Sh, Rogo uusan xubnin ka aheyn Xarakadda Al-Shabab haddana loo dilay Muslimnimadiisa iyo inuu muujiyay taageerada uu u hayo walaalaha muslimiinta ah.
"Dilka walaalkeen Rogo waxaa uula mid yahay dilalkii walaalaheen Sh,Samiir Khan iyo Max’ed Khaasim oo willi aan ka go’in maskaxda Muslimiinta dunnida" ayaa lagu yiri war saxaafadeedka Al-Shabab.
Muslimiinta Kenya ayaa war saxaafadeedka loogu baaqay inay u istaagaan dagaal ka dhan ah dawlada Kenya oo ay fahmaan in waxa loo laynayo ay tahay diinta ay haystaan.
Sidoo kalewar saxaafeedka ay Xarakadda Al-Shabab ka soo saartay arrimaha Kenya ayaa waxaa lagu sheegay in Muslimiinta Kenya looga baahan yahay inay qaadacaan hawlaha ay dawladaasi wado oo ay ka mid yihiin doorashada madaxtinimada ee dhawaan dalkaasi ka dhacaysa.
"Muslimiintu waa inay kacaan oo ay gacmaha is qabsadaan ka hor yimaadaan Kuffaarta maamusha ee cadawgooda ah maalkooda iyo naftooda ku bixiyaan la dagaalanka cadawga Islamka" ayaa sidookale lagu yiri warka Shabab kasoo baxay.
Dawlada Kenya dagaal toos ah ayay kula jirta Xarakadda Al-Shabab waxaana ciidamada Kenya ay gobolada koofureed ee Soomaaliya kula dagaalamaan dagaalyahanada Xarakadda Al-Shabab.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|