|
Madax ka tirsan Dowladdii KMG iyo Kenya oo magaalada Nairobi uga furmay shir xasaasi ah (Maxay ka hadlayaan?)
Mogadishu Khamiis 30 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Madax ka tirsan Dowladdii KMG iyo Kenya oo magaalada Nairobi uga furmay shir xasaasi ah (Maxay ka hadlayaan?)
Waxaa Nairobi ka socda shir xasaasi ah oo u dhaxeeya wakiilo ka socda guddoomiyihii hore ee Baarlamaankii KMG ahaa Shariif Xasan Sh. Adan, Ra’iisul wasaarihii hore A/wali Cali Gaas iyo Saraakiil ka tirsan dowlada Kenya.
Shirkaan waxaa soo abaabulay dowlada Kenya oo dano toos ah ka leh hannaanka doorashooyinka ee ka socda Somaaliya iyo natiijooyinka ka soo bixi kara. Wararka qaar ayaa sheegaya in nuxurka shirkaan uu yahay in dowlada Kenya ay ku qanciso Sharif Xasan Sh. Aden in uu taageero A/wali Cali Gaas uuna ku wareejiyo cododka Barlamanka oo uu hada haysto, taas oo laga yaabo in ay suurtagaliso in A/Wali Cali Gaas ku soo baxo doorashada madaxtinimo ee Somaaliya.
Waxaa la sheegayaa in arrinkaan xarriir la leeyahay danaha dowlada Kenya ay ka leedahay Somaaliya sida maamulka Jubaland (Bufferzone) iyo shirkadaha shisheeyaha ah ee baarista badroolka ka wada xuduudaha Kenya iyo Somaaliya. Hadaba waxaa xusuus mudan markii ay ciidamada Kenya si sharci daro ah u soo galeen gudaha Somaaliya sanadkii hore in khilaaf xoog leh uu ka dhashay, kaas oo u dhaxeeyay madaxda sare ee TFGda.
Madaxweyne Sharif ayaa si toos ah u cambaareeyay kana codsaday dowlada Kenya in ay si deg deg ah ugala baxdo ciidamadeeda dalka. Halka Ra’iisul Wasaara C/Wali Cali Gaas uu soo dhaweeyay, ogolaadayna in ciidamada Kenya ku sii jiraan gudaha dalka Somaaliya.
Dadka falanqeeya siyaasada Somaaliya ayaa sheegaya in uu in mudo ahba jiray xariir hoose oo ka dhaxeeya A/Wali Cali Gaas iyo dowlada Kenya. Taas oo u jeedadeedu ahaan karto fududaynta amaba ogolaanshaha danaha dowlada Kenya ay ka leedahay Somaaliya waana taas mida keentay in dowlada Kenya ay si buuxda u taageerto A/Wali Cali Gaas.
Saraakiisha dhinaca Kenya wadahalkaan ka qeyb galay waxaa ka mid ah, Wasiirka difaaca Yusuf Xaaji, guddoomiye xigeenka Baarlaamaanka Faarax Macalin iyo Ilyaas Barre Shiil. Dhammaantood waxay taageersayaan qorshaha ay dowladda Kenya ku dooneyso inay ku dhisto maamulka Azaaniya iyo in Kenya ay shidaal ka qodato Dhulka ama Badda Soomaaliya.
Sidoo kale waxaa jira aragti ka duwanaan karta tan oo ah loolanka ka dhaxeeya region ka (Gobolka), sida Uganda iyo Kenya oo labaduba hadda ka wada tirsan AMISOM. Dowlada Kenya ayaa walwal ka qabta xariirka qotada dheer ee ka dhexeeya Sh. Sariif iyo Dowlada Uganda. Hadaba si ay u miijiso kaalinta ay ku yeelan karto arrimaha Somaaliya ayay ka go’an tahay dowlada Kenya in ay door ku sheeshaan hogaanka sare ee Somaaliya.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|