|
Hogaamiye Kooxedyadii Maxkamada Sare ee Dalka ay u ogaatay Ka mid noqoshada Xildhibaanada cusub oo wali Muran ka taagan
Mogadishu Khamiis 30 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Hogaamiye Kooxedyadii Maxkamada Sare ee Dalka ay u ogaatay Ka mid noqoshada Xildhibaanada cusub oo wali Muran ka taagan
Ka dib amarkii ay Makamada Sare ee dalka ku bixisay in hoggaamiye kooxeedyadii uu guddiga farsamadu ka saaray liiska ka mid noqoshada baarlamaanka ay ka mid noqdaan baarlamaanka ayaa waxaa weli taagan muran ku saabsan ka mid noqoshadooda baarlamaanka.
Xubnahan loo ogolaaday in ay Baarlamaanka xubin ahaadaan ay ka qaybgaleen kulankii baarlamaanka ayaan la dhaarin, iyadoo la sheegay in loo saarayo guddi gaar ah oo go'aan kasoo gaaray arrintooda maadaama qaarkood lagu bedelay xubno beelahooda ka yimid oo loo dhaariyay inay ka mid noqoshada xubnaha baarlamaanka.
Guddoonka cusub ee baarlamaanka iyo xildhibaannadan ayaa kulammo gaar ah lahaa intii uu socday kulanka baarlamaanka ee maanta, waxaana la sheegay in laga dhigay go'aan ka gaarista arrintooda doorashada madaxweynaha kaddib.
Kal Fadhigii baarlamaanka ee maanta ayaa waxaa hareeyay muran xooggan oo u dhexeeyay xubno lagu bedelay hoggaamiye kooxeedyada qaarkood iyo hoggaamiye kooxeedyada oo ku adkeysanaya in iyaga horay loogu magacaabay boosaska lagu muransan yahay.
Xubnaha Maanta kulanka Baarlamanka ka qeybgalay ee la dhaariyay waxaa ka mid ah: Maxamed Qanyare Afrax, Cumar Finish, Prof. Maxamed Faarax Jimcaale, Maxamed Ibraahim Xaabsade iyo Sheekh Aadan Madoobe.
Guddiga farsamada ayaa horay ugu eedeeyay xubnaha inay qabaan dambiyo dagaal inkastoo taas uu madaxweynaha Soomaaliya gaashaanka ku dhuftay isagoo xusay inaysan jirin maxkamad dambi ku xukuntay in baarlamaanka loo diidana ay shaci-darro tahay
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|