|
Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya oo iska dhex doortay Guddiga Qabanqaabada Doorashada Madaxweynaha
Mogadishu Khamiis 30 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya oo iska dhex doortay Guddiga Qabanqaabada Doorashada Madaxweynaha
Xildhibaano tiradooda ay gaareyso ilaa 204 xidlhibaan oo ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo maanta kulan ay Muqdisho yeesheen ku doortay guddiga doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo ka kooban 16-xubnood, kuwaasoo guddoomiye uu u yahay Jen. Muuse Xasan Cabdulle oo ahaa guddoomiyihii KMG ah ee baarlamaanka Soomaaliya.
Kulanka oo uu shir guddoominayay guddoomiyaha baarlamaanka, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa waxaa sidoo kale lagu dhaariyay dhowr xubnood oo ka haray dhaartii baarlamaanka, inkastoo aan la dhaarin 15-kii xubnood ee ay ku jireen hoggaamiye kooxeedyada oo kulanka maanta goobjoog ka ahaa.
Guddiga doorashada madaxweynaha oo ka kooban min saddex xubnood oo ka yimid shanta beeleed ee baarlamaanku ka kooban yahay ayaa waxay magacyadoodu kala yihiin:
1. Xildhibaan Jen. Muuse Xasan Cabdulle
2. Xildhibaan Maxamed Cumar Maxamuud
3. Xildhibaan Ibraahim Saalax Deyfullaah
4. Xildhibaan Axmed Cismaan Ibaahim
5. Xildhibaan Maxamed Sheekh Aadan Hiiraale
6. Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow
7. Xildhibaan Axmed Aadan Cabdiraxmaan
8. Xildhibaan Cismaan Maxamed Cabdi (Daallo)
9. Xildhibaan Axmed Aadan Axmed
10. Xildhibaan Cismaan Libaax Ibraahim
11. Xildhibaan Aweys Cabdullaahi Ibraahim
12. Xildhibaanad Khadiijo Maxamed Diiriye
13. Xildhibaanad Maryan Cariif Qaasim
14. Xildhibaanad Saynab Maxamed Caamir
15. Xildhibaanad Sacdiyo Careys Ciise
16. Xildhibaanad Muumino Sheekh Cumar
Guddigan ayaa waxaa ansixiyay 200 oo xildhibaan, hal mudane ayaa diiday saddex kalena way ka aamuseen, iyadoo guddoomiyaha baarlamaanka uu ku dhawaaqay in guddigan ay ansax yihiin ayna howshooda wadan karaan.
Xubnaha guddigan ayaa go'aan ka gaaraya xilliga ay dhacayso tartanka doorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya oo ay u taagan yihiin murashaxiin fara badan oo ay ku jiraan madaxdii dowladdii KMG ahayd iyo xubno kale oo dalka dibaddiisa ka yimid.
Howlaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah maanta Muqdisho uga billowday iyadoo baarlamaanka cusub ay horyaallaan howlo fara badan oo ay ka mid yihiin hagaajinta sharciga dalka oo xal ka gaaristooda ay baarlamaannadii hore ku guuldarreysteen.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|