|
” Qaran qabiil ku dhis soow quusasho ma aha”
Mogadishu Khamiis 30 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

” Qaran qabiil ku dhis soow quusasho ma aha”
Wax walba waxey leeyihiin waq-dhac, inta badanna hal abuurku wuu asiibaa. Hadii aan wax ka taabto dulucda Maqaalkeeyga ”Qaran qabiil ku dhis soow quusasho ma aha,” ayaa waxa igu dhaliyay taariikhda madoow ee ku habsatey dalka iyo dadka soomaliyeed, waana Maqaal sawir buuxa ka bixinaya taariikhda murugada leh iyo dhibka ka dhex dhacay beelaha isuma talisada ah ee Soomaaliyeed, iyada oo aan maankana ku hayo in aanan hal maqaal kaliya ku soo koobi karin, waxana shaki ku jirin, muhiimna ah in hal abuurkan uusan ka tagin inuu qayaxo dhacdooyinka murugada leh ee dalkeenna hooyo ku habsaday, isla markaana aan u sheego bulshada Soomaaliyeed iyo cid kasta oo aqrisata maqaalkaan dhibaatooyinka aafeeyey welina aafeeynaaya Soomaaliya.
Si aan u fahanno waxa ina hortaagan oo dib inoo dhigay, loona baahan yahay in laga baxo, waa sadax arimood oo kala ah:
- Hogaamiyeyaal khaldan
- Shacab kala qaybsan
- Faragelin shisheeye
Saddexda arrimood ee aan soo sheegay, ayaa waxey dhaleen afar qodob oo aay soomaalida ku heshiisay, kalana ah:
- Ii talin maysid
- Kuu talin maayo
- Wada tashan mayno
- Kala tagi mayno
Cinwaanadaan waa kuwo iska soo horjeedo oo ah xujo ma falantee xaajo ayaa falanto, waxaan maqli jiray ”qofku waa inuu noqdaa talo keen ama talo raac” waxase lagu bedeshay mid ka duwan taas oo ah afarta xaraf ee kor ku qoran ah. shaki kuma jiro in laga tagay hidihii iyo dhaqankii sooyaalka ahaa, haddii laakiin ay dhacdo in lug hore ay lug danbe dhaafto, way iska caddahay in ay jabayso dhibka jirana maanta ma jirto cid uu daah ka saaran yahay.
Furuq markii la arkaa waraaboow faro ka leef noqdaa waxaan sidoo kale aragnaa wax aysan bulshada soomaaliyeed horey aaysan ugu dhaqmin laguna arag, sida dilka, kufsiga, maamul xumida nin tooxsiga, fowdada, aqoonyahanka qalinka wax ku xadaayo, qaybiyihiina uu qaadanaayo ama quudanaayo, sharaftii dalka oo dhulka lagu tuuray oo aysanna muuqan cid dhulka ka qaadeeysa, xaaraantii oo la xalaashaday, tarbiyad xumi, siyaasad faasid ah ee uu naxwaheedu noqday ”waxna aan qalano midiyahana aan qarsano”. Taas waxaa sii dheer safka hore iyo hogaanka ummada oo u batay danaystayaal dhuuni raac ah iyo odayaal matalaayo siyaasiga, dhaqtarka, sarkaalka, injineerka, garsoorka, iyo kuwo kale iyagoon garasho iyo garaad u lahayn ehelna u ahayn.
Talo
Sida muuqata maanta somaaliya waxa ay ku jirtaa xili kala guur ah oo ay kaga baxayso nidaam la’aan uguna gubayso nidaam dawladeed federaali ah.
Taladaan la ruugin waa lagu rafaadaa Meel hoo u baahane hadal waxba kama taro waxaan taas ula jeedaa Ummmada soomaaliyeed waxay maanta dooneeysaa waa Dawladnimo ee ma dooneeyso qabyaalad iyo waxyaabaha wasaqda ah ee maanta ka socda wadanka gudihiisa iyo dibadiisa, waxaanse leeyahay soomaalida hadeeynu rabno dawladnimo iyo qarannimo, waa ineeynu garanaa Danta Guud taasina waxaan ku gaari karnaa ayadoo Siyaasada Soomaalida laga siibo xidid xumaha ku jira ee ah Qabyaalada iyo Laaluushaka.
Sidoo kale waa inynu Badbaadinaa qarankeena, dadnimadeena iyo mustaqbalka ubadkeena. Hadaynu nahay shacbiga soomaaliyeed waa inynu sare u kacnaa oo xaqiiqda wajiga saarnaa. Waa inaynu mideynaa bulshadeena, kuwaas oo si ba’an ula ildaran dagaalada, dilalka, jirdilka & dhibaha ay isu geystaan. Walaalayaal si wada jir aan u shaqeyno, aan badbaadino qarankeena, dadnimadeena iyo mustaqbalka ubadkeena. Midba midka kale aan iscaawino. Aan wadagno dhibaha, aan midowno ilaah dartiis, iyo mustaqbalka wadankena. Aan ilowno qabiilka oo ah kan dalkeena gubay. Aan yeelano hal ururo siyaasadeed sida ummaddaha kale, aan ka mid noqono bulshoyinka. Walalayaal “intaas inagu filan, waxaan filayaa inaad garowsan tihiin fursada aan maanta haysano in aynu beri heli doonin” Nabad waa lagu Tarmaa ,Colaadna waa lagu Tirmaa
Gudoomiyaha Xisbiga SSUP ahna
Musharaxa madaxweynaha Soomaaliya 2012
Yaasiin Maaxi Macalin
www.ssup.se
maaxi@hotmail.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|