|
Taliska AMISOM oo sheegay inay Al-Shabaab ka dhigeen wax ay dilaan iyo wax ay qabtaan dagaal ay ku kala galeen deegaano ka mid ah Gobolka Jubada hoose
Mogadishu Khamiis 30 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Taliska AMISOM oo sheegay inay Al-Shabaab ka dhigeen wax ay dilaan iyo wax ay qabtaan dagaal ay ku kala galeen deegaano ka mid ah Gobolka Jubada hoose.
Afayeenka ciidamada kenya u qaabilsan howlgalada somalia Major Emmanuel Chirchir oo warsaxaafadeed Nairobi ka soo saaray ayaa sheegay inay dileen in ka abadan 42 dagaalyahan oo ka tirsan xarakada al shabab kadib dagaallo ay kula galeen.
Deegaanka caglibax oo u dhow Afmadow islamarkaana ay al shabab kaga soo qabsadeen hub faraban sida uu kuyiri warsaxaafadeedka
"Waxaan dilnay in ka badan 42 katirsan dagaalayahanada shababka ah annagoo gacanta ku dhignay hub fara badan oo 23 kamid uu yahay AK-47 , bombaanooyin iyo qoryo kale "sidaku qoran warsaxaafadeedka Major Emmanuel Chirchir uu soo saaray.
Afayeenka ciidamada kenya u qaabilsan howlgalada somalia Major Emmanuel Chirchir ayaa sidoo kale tilmaamay in dhankooda uu ka dhaawacmay askari ka tirsan TFG kaas oo dhaawaciisa loo qaaday magaalada dhoobleey.
Emmanuel Chirchir waxa kale ee uu warsaxaafadeedka ku sheegay in ciidamada kenya iyo kuwa TFG oo iska garabsanaya ay sameeyeen howlgallo shababka ka dhan ah , isaga oo sheegay inay joogteenayaan howlgallada.
Xarakada Al shabab ayaan jirin war dhankeeda ka soo baxay oo ay kaga jawaabeyso hadalka dowladda kenya ee qeybta ka ah kuwa AMISOM oo ku aadan dilka dagaalyahanno shabab ka tirsan.


Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|