|
Fadhigii ugu horeeyay oo uu yeesho Golaha Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya oo maanta ka dhacaaya xarunta Iskuul Buluusiya ee Magaalada Muqdisho
Mogadishu Khamiis 30 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Fadhigii ugu horeeyay oo uu yeesho Golaha Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya oo maanta ka dhacaaya xarunta Iskuul Buluusiya ee Magaalada Muqdisho
Waxaa maanta lagu wadaa inay yeeshaan Xildhibaanada Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya kulankoodii ugu horreyay, iyadoo shirkaasina uu ka dhacaayo xarunta Iskuul Buluusiya ee Magaalada Muqdisho.
Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya ayaa maanta kulankooda la sheegay inay ugu hadlayaan sidii loo diyaarin lahaa doorashada Madaxweynaha dalka, iyadoo uu guoomiyaha cusub uu magacaabayo xubnaha guddiga doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.
Waxaa sidoo kale kulankaasi looga hadlayaa xiliga ay dhacayso doorashada Madaxweynaha Dalka Soomaaliya, iyadoo fadhiga maanta uu yeelanaayo Baarlamaanka Soomaaliya uu markii ugu horeysay shir gudoomin doono Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo ku xigeenadiisa.
Xubnaha u tartamaya xilka Madaxtinimada Soomaaliya ayaa rajo wayn ka muujiyay waxyaabaha ka soo bixi kara kulanka maanta ee baarlamaanka Soomaaliya yyelanaayo.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|