Somali News
    Hees  

Gudoomiyiha Maxkamadda Degmada Balcad iyo Shaqaale ka tirsan Hay'adda WFP oo lagu xiray Degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha dhexe

Mogadishu Khamiis 30 August 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Gudoomiyiha Maxkamadda Degmada Balcad iyo Shaqaale ka tirsan Hay'adda WFP oo lagu xiray Degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha dhexe.

Wararka naga soo gaaraya degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in degmadaasi ay hareysay musuqmaasuq raashin gargaar oo ha'adda WFP geysay degmada, waxaana guud ahaan degmada BAlcad ka bilowday dibadbaxyo waaweyn oo looga soo horjeedo musuqmaasuqa baahay ee ku saabsan raashinka gargaarka ah.

Maamulka Degmada Balcad ayaa xabsiga dhigay Guddoomiyihii Maxkamada degmada oo lagu magacaabo Sheekh Cusmaan, kaddib markii la sheegay in raashinka gargaarka ah la arkay isagoo gawaari ku daabulanaya.

Sidoo kale waxaa xabsiga la dhigay xubno ka tirsan shaqaalaha hay'adda WFP, kuwaasi oo la sheegayo in lagu soo eedeeyay musuqmaasuq la xariira wax is daba marin raashinka gargaarka ah oo hay'adaasi ka qeybineysay degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe.

Wararku waxay intaasi raacinayaan in dibad baxyada saakay ka bilowday degmada Balcad ay isugu soo urureen xarunta degmada, iyagoona ka cabanaya in raashinka deeqda Hay'adda WFP aanay helin isla markaana kaarar la qeybiyay la siiyay dad kooban oo u badan kuwo ladan.

Dhinaca kale waa markii ugu horeysay oo dibadbaxyo noocaan oo kale ah ay ka dhacaan degmada Balcad tan iyo markii maleeshiyaadka ururka Al-Shabaab laga saaray degmadaasi ayna la wareegeen maamulkeeda Dowladda Soomaaliya, iyadoo la filayo in maamulka degmada Balcad uu war ka soo saaro musuqmaasuqa hareeyay degmada Balcad.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)