|
Real Madrid oo Ku Guuleysatay Spanish Super Cup vs Barcelona oo Noqon weysay Xalay Barcelonadii Laga Baqan jiray ( 2-1)
Mogadishu Khamiis 30 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Real Madrid oo Ku Guuleysatay Spanish Super Cup vs Barcelona oo Noqon weysay Xalay Barcelonadii Laga Baqan jiray ( 2-1)
Kooxda Real Madrid ayaa Xalay kula Dabaal degtay Garoonkeeda Bernabou ee Caasimada Isbeyn ee Madrid Koobka Super Cupka Isbaanishka oo ay hore u heysatay Ka dib Marki Kulankii 2 ee Koobkaasi ay 2-1 ku suuldaareen Kooxda Xifaaltanku kala dhaxeeyo e Barcelona oo iyadu Todobaadkii hore uga soo Badisay 3-2 hase ahatee Xalay Koobka looga Qaaday ka dib Markii RealMadrid ay Garoonka Barcelona ay ku soo dhaliyeen 2 gool.
Weeraryahanka Reer Arjantiin Higuain ayaa Daahfuray Daqiiqadii 11 Goolkii ugu Horeeyay ka di b Markii uu wax yar ka hor cunay Fursad loo soo dhigay,Daqiiqadii 19 Ronaldaha Reer Portuqal ayaa Gool niyaddil ah ka dhaliyay Barcelona Goolkaasi inta uu si quurx badan cirib ugu qaatay Madfac ugu xareeyay Shabaqa.
qeybtii hore ee Ciyaarta Adrianno ayaa ka Qaatay Kaarka Cas Kooxda Barcelona oo Ciyaarta inteda Badan ku ciyaareysay 10 ciyaartooy.
dhamaadkii qeybtii hore ee Ciyaarta Kubad Laad xor ah oo ay heshay Barcelona waxaa shabaqa Real madrid Suray Messi oo ciyaarta ka dhigay 2-1 in lagu kala nasto qeybta hore.
Markii la isqgau soo noqday qeybtii danbe ee Ciyaarta waxaa ka lumiyay Fursad ay ku Barbareyn kareenBarcelona Kooxda Real Madrid Ciyaaryahn Pedro oo inta goolka Real Madrid kubada geeyay hadana dhaafin waayay Goolhayaha Casilas.halka Real Madrid ay ka qasaariyeen Fursado muhiima Higuain oo dhow rjeer sigay Goolka Barcelona iyo 19 Luka Modric oo ka soo diga rogtay Totenham Xalayna ay u aheyd Kulankiisii ugu Horeeyay ee RealMadrid ookuabd uu helay Waqtigii dheeraadka ee ciyaarta lagu daray Qasaariyay.
1 kulan ayey is dheer yihiin Xaga kala Badinta 2 koxood Kooxda Barcelona waxa ay badisay 87 Ciyaarood halka Real madrid ay Badisay 88 ciyaarood.
La ligaha Isbeyn 2012-2013 oo laciyaaray Meertadiisii 2 ee Wareega Hore barcelona waxa ay heysataa 6 dhibcood,halka Kooxda Realmadrid ay ka leedahay 1 dhibic.
N.B Ciyaaryahan Higuain oo Lambarka 20 u sita Kooxda Real Madrid 4 tii kulan ee uu u ciyaaray Kooxdiisa isgauna jiray 2 kualan oo la ligaha isbeyn 2012-2013 iyo 2 kualn ee Spanish Super Cup waxa uu Kooxdiisa u dhaliyay 4 gool.

Waxaa Diyaariyay.
Axmed Maxamed Cabdulle'Uurdoox'
Uurdoox2011@hotmail.com
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|