|
Gen. Andrew Gutti : "Ciidamada AMISOM waxay dhawaan ka howlgeli doonaan degmada Jawhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe taasoo qeyb ka a.."
Mogadishu Khamiis 30 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Gen. Andrew Gutti : "Ciidamada AMISOM waxay dhawaan ka howlgeli doonaan degmada Jawhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe taasoo qeyb ka a.."
Saraakiisha ciidamada AMISOM ee Soomaaliya oo ka hadlay qabsashadii Magaalada Marka ayaa sheegay in ujeedkoodu uu yahay inay la wareegaan gacan ku heynta magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada hoose.
Gen. Andrew Gutti oo ah taliyaha ciidamada AMISOM ayaa sheegay in ciidamadooda ay si fudud ula wareegeen gacan ku haynta magaalada Marka oo ka mid aheyd meelaha ay ku xooganaayeen Xarakadda Al-Shabab waxaana uu xusay in hadda ay u sahlan tahay inay tagaan magaalo xeebeedka Kismaayo sida uu yiri.
Gen. Andrew Gutti waxaa uu hadalkiisa ku sheegay in dadka ku dhaqan magaalada Marka ay ka heleen sooo dhaweyn taasoo uu ku sheegay inay ku dhiiri galinayso ciidamadooda inay u dhaqaaqaan dhanka Kismaayo oo willi Al-Shabab ku xoogan yihiin.
Sidoo kale taliyaha ciidamada AMISOM waxaa uu xusay in qeybta 1,aad ee ciidamada AMISOM ay sidoo kale dhawaan ka hawlgali doonaan degmada Jawhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe taasoo qeyb ka ah buu yiri hawlgalka xoreynta Shabeelooyinka.
Ciidamada AMISOM ayaa dhaq dhaqaayo ka wada gudaha Soomaaliya iyadoona ciidamada Kenya oo qeyb ka ah kuwa AMISOM ay hadda ku dhawaadeen magaalada Kismayo
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|