|
Norwey oo dalbatay dedejinta doorashada Madaxtinimada dalka Soomaaliya
Mogadishu Jimco 31 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Norwey oo dalbatay dedejinta doorashada Madaxtinimada dalka Soomaaliya.
Mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan dowladda Norwey ka tirsan warbaahinta ayaa waxa ay dalbadeen in la soo dadajiyo doorashada madaxtinimo ee dalka Somaaliya, iyagoona dimuquraadiyad ku tilmaamay habkii barlamaanka somalia ay u doorteen guddoonka barlamaanka iyo ku xigeenadiisa.
Wasiirka arimaha dibadda dowladda Norwey Jonas Gahr Støre ayaa sheegay in hambalyo uu u dirayo shacabka soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan oo uu ugu hambalyeenayo horumarka dalkooda uu ku talaabsaday, waxana uu sheegay wasiirku in Somaaliya ay haatan heyso wadadii ay kaga bixi laheyd dhibaatada.
Sidoo kale wasiirka horumarka caalamiga ah ee dowladda Norwey Heikki Holmås ayaa isna waxa uu sheegay in Somaaliya hadda ay u baahantahay in laga gacansiiyo horumarka si sare loogu qaado xaaladaha nololeed ee shacanka Somaaliya oo ay kaga samata baxdo dagaalada, abaarta iyo musuq maasuqa.
Wasiirka horumarka caalamiga ah ee dowladda Norwey Heikki Holmås waxa uu sidoo kale ballanqaaday in dowladdiisu dowladda cusub ee somalia ay la yeelaneyso xiriir wanaagsan oo ay ku gacan siineyso sidii ay u noqon laheyd mid soo celisa sharaftii dalka Somaaliya, waxana uu shacabka soomaalida ugu baaqay inay gacmaha isqabsadaan oo ay ka shaqeeyaan hurumarka dalkooda.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|