|
Guddoomiyaha doorashada Madaxweynaha oo maanta ku dhawaaqaya xilliga ay dhaceyso doorashada
Mogadishu Jimco 31 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Guddoomiyaha doorashada Madaxweynaha oo maanta ku dhawaaqaya xilliga ay dhaceyso doorashada
Guddiga doorashada Madaxweynaha Soomaaliya oo shalay lagu dhawaaqay ayaa maanta magaalada Muqdisho ku yeelanaya kulankiisii ugu horeeyay oo uu uga hadlayo ajandayaal ku saabsan qabanqaabada iyo diyaar garowga xilliga doorashada Madaxweynaha.
Xildhibaan Maxamed Cumar Maxamuud oo ah afhayeenka guddigaasi ayaa sheegay in kulanka ay maanta yeelanayaan guddiga ay ku go'aaminayaan in lagu dhawaaqo xilliga ay ku haboon tahay magacaabista xilliga ay dhaceyso doorashada Madaxweynaha, wuxuuna sheegay inay jiraan caqabado yar yar oo hortaagan xilliga ku dhawaaqista, hase yeeshe wuxuu caddeeyay in go'aan kama dambeys ah ay ku gaarayaan kulankooda maanta.
Waxa uu sheegay afhayeenka guddigaasi in howlaha hor yaala ay ka mid yihiin sidii musharaxiinta xilka Madaxweynaha ay u hor dhigi lahaayeen shuruudaha looga baahan yahay musharaxa u tartamaya xilka Madaxweynaha, taasi oo ay sheegeen guddigu in isla markaana ay diyaarinayaan qorsheyaashaasi.
"Kulanka maanta ay yeelanayaan guddiga doorashada Madaxweynaha ayuu ka soo baxayaa xilliga ay dhaceyso doorashada" ayuu yiri afhayeenka guddiga doorashada oo sheegay in shuruudaha Madaxweynaha looga baahan yahay ay ka mid tahay inuusan heysan laba Baasaboor, inuusan qabin haween ajnabi ah iyo qodobo kale.
Dhinaca kale doorashada Madaxweynaha ayaa haddii ay ka dhacdo magaalada Muqdisho, waxay noqoneysaa tallaabadii labaad oo Soomaaliya ay horay u qaaday kaddib dhismihii Baarlamaanka iyo doorashadii Guddoomiyaha, iyadoo xaaladda wadanka muddo 21-sano kaddib u muuqaneyso mid yididiilo nabadeed soo iftiimineysa.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|