|
Kulan loogu hadlaayay Isbedelka Soomaaliya iyo Mustaqbalka dalka oo lagu qabtay Dalka Holland. [Sawirro]
Amsterdam Jimco 31 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Kulan loogu hadlaayay Isbedelka Soomaaliya iyo Mustaqbalka dalka oo lagu qabtay Dalka Holland. [Sawirro]
Kulan loogu hadlaayay Xaaladihii ugu danbeeyay ee dalka Soomaaliya, Xilligaan kala guurka, ka bixida KMG-nimo, Doorashooyinka dalka, iyo Aragtida Mustaqbal ee dalka Soomaaliya, isla markaana ahaa dood dhextiilay Aqoonyahanada, Ardeyda iyo Qeybaha Bulshada ee dalka Holland, ayaa gelinkii danbe ee shalay lagu qabtay Magaalada Amsterdam ee dalka Holland.
Kulankaani dooda ayaa waxaa si wada jir ah usoo qaban qaabiyey Ururka Midowga Ardeyda Soomaaliyeed ee dalka Holland (Somali Student Network) iyo Hey'adda HIRDA, ee fadhigeedu yahay dalka Holland, iyadoona ay kasoo qeyb galeen Ardeyda Soomaaliyeed ee wax ka barata dalka Holland, Aqoonyahano iyo Siyaasiyiin ku dhaqan Wadanka Nederland.
Waxaa kulanka warbixin dheer oo ducumenteri ah kusoo bandhigay Ururka Ardeyda Soomaaliyeed ee dalka Holland SSN, taasi oo ka sheekeeneesay Marxaladihii kala gedisnaa ee uu soo maray dalka, Shirarkii loo qabtay Hogaamiyeyaasha Soomaalida, Siyaasadihii ugu danbeeyay, iyo xilligaan halka ay xaaladu dalka Mareeso.
Waxaa si aad ah loogu dooday, Qododo dhowr ah oo ay ugu weynaayeen, Ka bixida KMG-nimo, Dimuqraadiyada iyo dalka Soomaaliya, Arrimaha Federalka, ka qeyb qaadashada Siyaasada ee Soomaalida Qurba joogta, Faa'idada Xisbiyada Siyaasadeed ee uu dalka yeelanayo, Doorashooyinka lagu qabanayo Gudaha dalka Soomaaliya, iyo Aragtida fog ee ah Mustaqbalka Dalka Soomaaliya.
Ka hor inta aan dooda la guda galin waxaa halkaasi ka hadlay mid ka mid ah Xubnaha Ururka Ardeyda Soomaaliyeed ee SSN, Mr. Shooke oo ka hadlay dhibaatada dalka Soomaaliya ay u geysatay Qabyaalada iyo nin jecleesiga "Qabyaaladu waxey tiir u tahay mushkiladii dalka ka dhacday, waxaana muhiim ah in la sameeyo wacyigelin lagaga tirtirayo maskaxda dadka jirada qabyaalada, waayo Soomaalidu waa dad isku dhaqan, diin & luqad ma ahan, mana jirto qabiil Soomaaliyeed oo qabiilka kale ka sharaf badan" ayuu yiri Shooki.
Wuxuuna xusay in Soomaaliya uu ALLE ku maneystay dal barwaaqo ah, haddana intii ay ku mashquuli lahaayeen in ay dalkooda barwaaqada ka soo gurtaan in taa bedelkeedii ay iyaga isku mashquuleen, wuxuuna tilmaamay in Soomaaliya ay u baahan tahay kacaan cusub ee ay horkacayaan da'yarta qurba joogta ah ee dalalka dibedda ah wax ku soo bartay, kuwaasoo haddii ay aqoontooda si daacadnimo ah uga faa'iideeyaan dalkooda ay guulo wax ku ool ah ka gaari karaan.
Dooda Kulanka.
Ka bixida KMG-nimo.
Arrinta ka bixitaanka KMG-nimo ee dowlada Soomaaliya, ayaa noqotay mid ay si aad ah usoo dhaweeyeen Qeybihii kala gedisnaa ee ka qeyb galay kulanka, iyadoona lagu micneeyay Talaabo wanaagsan oo ay Dowlada Soomaaliya horey ugu sii qaadi karto jiritaanka Dowladnimo, iyadoona ay taasi u sahleeso Dhisida ilaha dhaqaalaha dalka, Aqoonsiga Passaboorka Soomaaliyeed iyo Safaaradaha Soomaalida ee Caalamka.
Sidoo kale Xiriirka Dowlada Soomaaliya iyo Caalamka oo noqon kara mid aan dad kale ku dhex jirin, isla markaana Heshiisyada Dowladeed uu sahlayo Dowlad dhexe oo dalka Soomaaliya ka dhalata.
Waxa ay si aad ah usoo dhaweeyeen talaabadii ugu horeesay ee lagu doortay Guddoomiyaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.
Dimuqraadiyada iyo dalka Soomaaliya.
Soomaaliya ayaa lagu sifeeyay in ay tahay Dowladii ugu horeesay ee African ah, taasi oo ku dhaqantay Dimuqraadiyada, isla markaana si xor ah u dooratay Madaxweyne, xilli Afrikada kale aysan Talaabada nuucaasi ah gaarin, Taasina ay keentay in Dowlado badan oo African ah ay ku deydaan Soomaaliya, isla markaana ay qaateen Dimuqraadiyada.
"Dimuqoraadiyaddu waa kelmad laga badbadiyey, loona isticmaalo ujeedooyin siyaasadeed, Soomaaliya waxaa ku nool ummad ku filan in ay aayaheeda ka tashato, haddana fursad looma siin ummadaasi, waxaa ku jira gacmo badan oo qolo kastaahi ay leedahay ujeedooyinkeeda gaar ah" ayuu yiri Cabdirisaaq Cabdishakuur Warsame oo ka mid ahaa Aqoonyahanadii Shirka kulankaasi ka qeyb galay
illaa iyo xilligaan ayaa lagu sifeeyay in dalka Soomaaliya qeybo badan oo ka tirsan ay ka jiraan Dimuqraadiyada, iyadoona tusaale loo soo qaatay Doorashooyinka ka dhaca deegaanada Soomaaliland, Puntland, iyo Doorashadii ugu danbeesay ee dhawaan ka dhacday Magaalada Muqdisho, taasi oo lagu doortay Guddoomiyaha Baarlamaanka Cusub Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.
Federalka iyo Dalka Soomaaliya.
Arrinta Federalka oo dhalisay dood aad uxiiso badan, ayaa intooda badan waxa ay soo jeediyeen in Xilligaan dalka Soomaliya aysan gaarin qaadashada, Ama ku dhaqanka Federalka, taasi oo in badan ku sifeeyay in dalka Soomaaliya uu yahay dal dadkiisa, isku af, isku diin iyo isku dhaqan yihiin, isla markaana federalka uu sababi kara kala geyn ku yimaada Shucuubtaasi.
Dad badan ayaa sidoo kale soo jeediyay in qaadashada, Ama ku dhaqanka Federalka uu yahay mid xal u noqon karta Nabad waarta oo ka dhalata dalka Soomaaliya, waa hadii loogu dhaqmo sida saxda oo ah in Maamul Waliba Gobolka uu ka taliyo Xasiliyo, ka shaqeeyo horumarka Gobolka, Hoosyimaado Dowlada dhexe ee dalka Soomaaliya.
Diasparada (Qurba jogta) iyo dalka Soomaaliya.
Hormuudka Hey'adda HIRDA Faadumo Faarax oo ka mid aheyd Qaban qaabiyaasha Kulankaan, isla markaana Mas'uul ka ah Hey'adda HIRDA ee iyadu ka shaqeesa Arrimaha Samafalka dalka Soomaaliya, ayaa soo bandhigtay wax qabadka Hey'adaha aan Dowliga aheyn ay ka qabteen dalka Soomaaliya, tan iyo bur burkii dalka, iyadoona taasi ku sheegtay in ay sahleen Soomaalida Qurba Joogta.
"Waxaan shaki ku jirin in Qurbo joogta Soomaaliyeed ay si weyn ugu qeyb qaateen caawinta dalkooda iyo dadkooda" Ayee tiri Faadumo, iyadoona dhinac kale ka hadashay dadaalka ay hey'adda Hirda ku bixisay sidii ay ugu qeyb qaadan laheyd horumarinta dhinaca waxbarashada dalka oo ay maal geliso Iskuulo wax barasho oo ku yaala Gobolada dalka Soomaaliya.
Sidoo kale Waxa ay sheegtay in Xilligaan ay fursad tahay in Qurba joogta Soomaaliyeed ay dib ugu laabtaan dalkooda, kana qeyb qaataan Marxaladaha kala gedisan ee dalka Soomaaliya, waayo waxa ay ku tilmaamtay in ay yihiin dad ogol in lala xisaabtamo, xilligaanna soomaaliya ay u baahan tahay dad lagula xisaabtami karo waxa ay qabanayaan.
Qeybihii kal gedisnaa ee doodaasi ka qeyb qaatay ayaa si weyn usoo dhaweeyay in xilligaan Diasparaha ay ka qeyb qaataan Marxalada uu dalka Marayo, iyadoona Dowlada Cusub ee dalka Soomaaliya yeelaneeso iyo Wasaaradaheeda loogu baaqay in ay la yimaadaan Ajandi cad oo dalka iyo dadka Wax loogu qabanayo, taasi oo lagula xisaabtami karo.
Faa'idada Xisbiyada Siyaasadeed ee uu dalka yeelanayo.
Abukaate Muuse Xirsi oo ka mid ah Aqoonyahanada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Holland, isla markaana ah siyaasi ka tirsan Xisbiga Hiil-Qaran, oo kulanka ka hadlay ayaa ku dheeraaday ka hadlida Siyaasada dalka Soomaaliya, asigoona dhinaca kale ku dheeraaday Aragtidiisa ku aadan in Xilligaan dalka Soomaaliya uu ka curto Xisbiyo Siyaasadeed oo ka qeyb galaya doorashooyinka dalka.
Avv. Muuse Xirsi ayaa Sheegay in Xisbiyada Siyaasadeed ee ka dhismaayo dalka Soomaaliya ay u baahan tahay taageero aad u buuxda oo la siiyo, asigoona ku sifeeyay in ay tahay wadada kaliya ee loogu gudbi karo habka qabiileysiga ee ah 4.5.
Dhinaca kale waxaa uu ku cel celiyay in samata-bixinta dadka iyo dalka Soomaaliyeed loogu fadhiyo, Aqoonyahanka, Culimadda iyo qeybaha waxgaradka Soomaaliyeed, kuwooda ka damqanaya buu yiri dhibaatada ka jirta dalka Soomaaliya, Asigoona talaabo wanaagsan ku tilmaamay doorashadii Dhawaan Aqoon yahan Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari loogu dootay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.
Doorashooyinka lagu qabanayo Gudaha dalka Soomaaliya.
Doorashooyinka Madaxtinimo ee dalka Soomaaliya oo xilligaan lagu qabanayo Gudaha dalka Soomaaliya ayaa lagu tilmaamay in ay tahay mid guul u ah Soomaaliya oo idil, iyadoona taasi lagu micneeyay in xaalad is badal ay ku timid Marxalada dalka Soomaaliya.
Beesha Caalamka iyo Dowladaha daneeya Arrimaha Soomaaliya ayaa dhankooda loogu baaqay in ay ka dhabeeyaan Fikirka ah in Soomaaliya ay wax waliba dalkeeda ku qabsato, isla markaana iyada wada hadasho oo ay xalisato Mushkiladaha dhexdeeda ka dhex jira.
Aragtida fog ee ah Mustaqbalka Dalka Soomaaliya.
Talaabooyinka horumar ee xilligaan Muuqda ayaa lagu sifeeyay in ay tahay mid Mustaqbal wanaagsan gaarsiin karta dalka Soomaaliya, iyadoona rajada ugu weyn ee xilligaan taagan ay tahay in Soomaaliya is badal ku yimid, Sanadaha soo socdana la filayo in Soomaaliya ay noqoto dal cagahiisa ku istaagay.
Qeybaha kala gedisan ee Bulshada Soomaaliyeed ayaa loogu baaqay in ay ka qeyb qaataan Shumaca u shidmay dalka Soomaaliya oo ay ka shaqeeyaan horumarka dalka, isla markaana la iska ilaawo, waxii hore u dhacay, laguna cimri qaato dhibaatadii dheereed ee dalka Soomaaliya uu soo maray.
Ugu danbeyn.
Kulankaan oo ahaa kiisii ugu horeeyay oo ay Aqoonyahada, Siyaasiyiinta, Qeybaha Bulshada, iyo Ardeyda Soomaaliyeed ee wax ka barata dalka Holland oo aan qaarkood wali arkin dalka Soomaaliya, ka wada doodaan xaaladihii ugu danbeeyay dalka Soomaaliya, Marxaladihii uu soo maray iyo Aayaha Mustaqbal ee dalka Soomaaliya, iydoona Fikradihii la isku weydaarsaday uu dhamaantood ahaa kuwo wax ka dhisayo Mustaqbalka dalka Soomaaliya.











Salah Hassan Omer [Salah Dheere]
Email: s.dheere@hotmail.com
Amsterdam - Nederlands / Holland
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|