|
Musharax Yuusuf Garaad oo Kulankii ugu Balaarnaa la qaatey Xildhibaano, Siyaasiyiin, Odoyaasha Dhqanka iyo Qaybaha kala Duwan ee Bulshada
Mogadishu Jimco 31 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Musharax Yuusuf Garaad oo Kulankii ugu Balaarnaa la qaatey Xildhibaano, Siyaasiyiin, Odoyaasha Dhqanka iyo Qaybaha kala Duwan ee Bulshada
Waxaa maanta Hetelkka Safari ee Magaalada Muqdisho ka dhacay Kulan balaaran oo uu soo qaban qaabiyey Musharaxa Madaxweynimo ee Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar Axmed , waxaana ka qaybgaley Xildhibaanada Cusub ee Baaralamaanka,Maamulada Dalka ka jira , Siyaasiyiin iyo Qaybaha jaka Duwan ee Bulshada
Ugu Horeryntii waxaa halkaa ka Hadley Xildhibaan Saalim Caliyow Ebrow oo Macalin ka ahaa Kuliyaddii Xannaanada Xoolaha oo sheegey in Yuusuf Garaad uu yahay shaqsi u qalma in uu qabto Xilkaas islamarkaana Badbaadin kara Bulshada Soomaaliyeed maadaama uu yahay Shaqsi aad uga war qaba Xaalada Siyaasada , Amaanka iyo Dhaqaalaha Soomaaliyeed , waxaana uu u soo jeediyey Xildhibaanada iyaga wax Dooranaya in ay ay Doorataan shaqsiga ay is dhehi karaan Ummaddan waa ka saari karaa dhibaatada.
Xidhibaanad Amino Jaamaca Axmed oo iyana ku Hadley Xildhibaanada waxay sheegtey In Xildhibaanada Haweenka haatan ku jira Baarlamaanka ay Codkooda siin doonaan Musharax Yuusuf Garaad oo ay sheegtey in Shaqadiisii Dibada uu uga soo tagey sidii uu ku Badbaadin lahaa Ummada Soomaaliyeed ay ragaadiyeen Colaadaha aan dhamaadka lahayn
Odeyshaashii Dhaqanka ee ka qaybgaley Kulnkaas ayaa iyana sheegey in Yuusuf Garaad uu yahay Shaqsi ay ummada Soomaaliyeed ay u baahan tahay iyagoo sheegey in nuu yimdi Xilli ay Bulshada Soomaaliyeed ay u Baahan tahay waxayna u soo jeedisey Xildhibaanada Cusub in ay Codka Siiyaan Yuusuf Garaad.
Musharax Yuususf Garaad oo maalmahaan wadey Kulamo la tashi ay ayaa maanta Hadalkii uu ka jeediyey Kulankaas Balaaran ayaa si aad ah ugu dheeraadey Yoolkiisa Siyaasadeed haddii uu ku guuleysto Xilka Madaxnimo ee Soomaaliya waxaa uu sheegey in uu ka shaqeyn doono islamarkaana uu xooga saarid doono arimaha Nabadgelyada isagoo sheegey in uu dhiso doono Ciidamo dhaqaale ku filan haysta islamarkaana hanan kara Amaanka Guud ee Dalka
Mar uu ka hadlayey Arrimha Dib u heshiisiinta waxaa uu sheegey Yuusuf Garaad in uu isku keeni doono Beelaha Soomaaliyeed si ay ugu wada hadlaan wixii ka dhex dhacay ee dhibaato ah Sannooyinkii la sa dhaafey sidoo kale waxaa uu sheegey i in meesha ka saari doono wax la yiraahdo 4.5 oo Hab qayb ka mid ah Beelaha Soomaaliyeed lagu Faquuqayo
Musharax Yuusuf Garaad waxaa uu sheegey in dhalinyarada uu shaqooyin u abuuri doono si dalka ugu shaqeyaan sidoo kale Haweenka ayuu sheegey Yuusuf in iyagana Doorkooda uu siin doono oo ay ku leeyihiin Siyaasada Soomaaliya maadaama ay ahaayeen 21kii sanno ee la soo dhaafey kuwa badbaadiyey Ummada Soomaaliyeed.
Yuuusf Garaad ayaa mar uu soo hadal qaadey Dowlada Deriska la ah Soomaaliya waxaa uu yiri ”Waxaa dooneyayaa in aan ku wada noolaano si Derisnimo ah oo Xushmad ku jirto laakiin marna ka yeelimeyno in ay u soo Hanqal taagaan Shidaalkeena iyo khayraadkeenna waxaa la weydiiyey sida uu u arko Soomaalida ku nool Waqooiyo Bari ee Kenya iyo Soomaali Galbeed Itoobiya waxaa uu ku jawaabey
“ Arrimaha Soomaali Galbeed iyo mida Kenya waa mid ay u taal Shacabka halkaa ku nool in ay Aayahooda ka tashadaan oo waxa ay doortaan ku raacno ” waxaa uu intaa ku sii darey ”Waxaa dooneynaa in aan ku wada noolaano si nabad ku jirto iyo Deris wanaag”
Musharax Yuusuf Garaad ayaa la filyaa in maalmaha soo socto uu sii wado Kulamada uu la yeelanayo Qaybaha kala Duwan eee Bulshada waxaa Kulankaan maanta ka horeeyey Kulan kale oo Yuusuf la yeeshey Ardeydii wax ka baratey Jaamacadii ummada Soomaaliyeed oo iyagu ku biiriyey Talooyin wax ku ool ah oo wax ka taraya Tartankiisa Mushaxnimo.










Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|