|
Dibadbax looga soo horjeedo xariga Xildhibaan Cabdi Barre Yuusuf
Jibriil oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo
Gaalkacyo Jimco 31 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Dibadbax looga soo horjeedo xariga Xildhibaan Cabdi Barre Yuusuf
Jibriil oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo
Waxaa magaalada Gaalkacyo ka dhacay banaanbax balaaran oo looga soo
horjeedo xariga loo geystay Xildhibaan Cabdi Barre Yuusuf Jibriil oo
ah siyaasi ka soo jeeda Deegaanada Puntland isla markaana xubin ka ah
Baarlamaanka cusub, kaasi oo in ka badan 10 maalmood ku xiran xabsi ku
yaalla magaalada Muqdisho.
Dibadbaxayaal isugu jira qeybaha bulshada Gaalkacyo ee gobolka Mudug
oo watay boorar waaweyn oo ay ku qoran yihiin xaqdhowr Xildhibaanka
ayaa waxay socod dheer ku soo mareen wadooyinka waaweyn ee magaalada
Gaalkacyo, waxayna ku dhawaaqayaan waa sharci darro xariga Xildhibaan
Cabdi Barre, waxaa xiray dad daneystayaal ah oo doolar qaatayaal ah
ayay ku hadaaqayeen dadweynaha banaanbaxayay.
Banaanbaxayaasha ayaa jeediyay hadalo kul kulul oo ay ku
cambaareynayaan xariga Xildhibaan Cabdi Barre Yuusuf Jibriil, waxayna
eeda xariga dusha u saareen oo ay sheegeen in uu geystay C/laahi
Gaafow Maxamuud oo ah Taliyaha Hoggaanka Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo
ay horey u soo wada shaqeyn jireen Xildhibaan Cabdi Barre.
Si kastaba ah ahaatee waxaa aan shaki kujirin in xariga Xildhibanku uu
samayn aad u balaran kuyeesha daman deganada Puntland aydoo laga shaki
qabo in sacadaha soo socda ay isku basho in tar gad laga dhigto besha
Dhigyacab Gaafo ee dagan Deganada Puntland hadan si dag dag ah loo soo
daynin xildhabanka sida sharcidarada ah ugu xiran xab´siga,
Dadkaan oo wajigoogu ay ka muqatay caro aad u ba an ayaa waxaa aay
socod dheer ku maren dhaman xafadaha Magaclada Galkiyo aygoona erayo
ka dhana usoo jedinayay Madax waynaha Puntlan iyo Maxad da cidamada ee
DKG ahayd ee wax tigeedu dhamaday.




shirwaccabdisalaan
shirwaccabdisalaan@gmail.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|