Somali News
    Hees  

Magaalada Marka oo habeenkii saddexaad bandow ku jirta iyo rabshado weli ka taagan magaalada

Mogadishu Jimco 31 August 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Magaalada Marka oo habeenkii saddexaad bandow ku jirta iyo rabshado weli ka taagan magaalada

Wararka naga soo gaaraya magaalada Marka ee gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in habeenkii saddexaad bandow lagu soo rogay magaalada uu ka dhaqan galay halkaasi.

Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa la sheegayaa in halkaasi ay ka bilaabeen howlgalo iyo baaritaanno la xariira miinooyin ay Shabaabku geliyeen guud ahaan magaalada Marka, iyadoona 48-dii saac ee la soo dhaafay magaalada ay ka dhaceen qarayo waxyeello geystay.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in maleeshiyaad ka tirsan ururka Al-Shabaab oo ku dhuumaaleysanaya gudaha magaalada Marka ay wadaan falal amniga magaalada lagu khalkhal gelinayo, iyagoona falkii ugu weynaa ee ay sameeyaan uu ahaa kaddib markii meel shaaha laga cabo korkeera ay saareen miino kaddibna ay ku qarxiyeen, taasi oo dhaawac soo gaarsiisay ninkii iibinayay goobtaasi.

Mid ka mid ah saraakiisha ciidamada Dowladda KMG ah oo u waramayay shabakadaan ayaa sheegay in howlgalladu sii socanayaan, kaddib markii sida uu sheegay ay arkeen xaaladda amniga sida loogu baahan yahay in la adkeeyo, wuxuuna intaasi raaciyay in mudadii ay howlgalada ka wadeen magaalada Marka waxyaabaha ugu yaabka badan oo ay arkeen tahay qoys xoog lagu heystay oo haween la qabo ay xoog ay xoog ku heysteen maleeshiyaadka Shabaabka isla markaana haweenka qaarkood ay ilmo dhaleen.

Dhinaca kale maleeshiyaadka ururka Al-Shabaab ayaa la sheegayaa inay ku sugan meel aan ka dheereyn magaalada Marka kuwaasi oo qorsheynaya inay gudaha magaalada Marka ka geystaan falalka isugu jira qaraxyo, dilal qorsheysan iyo is miidaamin.

Ciidamada Dowladda iyo AMISOM ayaa fariisimooyin kala duwan ka sameynaya gudaha iyo hareeraha magaalada Marka, iyagoo doonaya inay ka hortagaan fal kasta oo kooxaha argagixisada ahi soo maleegaan, waxaana idiin soo gudbin doonaa hadba wixii warar ah ee ku soo kordha xaaladda magaalada Marka oo iminka gashay isbedel aan caadi ahayn.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)