|
Guddoomiyaha deg. Dayniile oo eedeyn u jeediyay xubno ka tirsan Dowladda KMG ah
Mogadishu Jimco 31 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Guddoomiyaha deg. Dayniile oo eedeyn u jeediyay xubno ka tirsan Dowladda KMG ah
Guddoomiyaha degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir Md. Daahir Xasan Xuseen ayaa shaaca ka qaaday in rag ka tirsan Dowladda KMG ah ay degmadiisa ka bilaabeen qabiil qabiil iyo qolo qolo, wuxuuna ugu baaqay madaxda sare ee Dowladda in tallaabo cad laga qaado koxahaasi oo uu sheegay inay ku sugan yihiin degmada.
"Madaxda sare ee Dowladda waxaan ka codsanayaa in degmada Dayniile laga qabto rag isla Dowladda ka tirsan oo qabiil qabiil halkaasi ka wada " ayuu yiri Guddoomiyaha degmada oo dhinaca kale sheegay in ammaanka degmada Dayniile uu yahay mid wanaagsan.
Dhinaca kale waxa uu sheegay in kooxaha ka tirsan Dowladda ay isku dayayaan sidii degmada Dayniile ay u kala googoyn lahaayeen isla markaana dadka degan ay ugu kala qeybin lahaayeen qabiil qabiil, wuxuuna uga digay kooxahaasi inay ka waantoobaan falalka ay ka wadaan degmada Dayniile.
Waxaa kale oo Guddoomiyaha Degmada Dayniile uu sheegay in haddii aan wax laga qaban kooxahaan doonaya inay burburiyaan midnimada iyo xasiloonida ka jirta degmada ay suuragaleyso in xaaladu ka sii darto, wuxuuna caddeeyay in maamulkiisu geed dheer iyo mid gaaban u korayo sidii kooxahaasi looga hortegi lahaa.
"Dadka degmada Dayniile waxaan ugu baaqayaa inay u midoobaan sidii ay uga hortegi lahaayeen kooxaha kula dhex meereysanaya qabiil qabiilka" ayuu yiri Md. Daahir Xasan Xuseen oo dhinaca kale ku ammaanay dadka degan Degmada Dayniile is jacaylka iyo derisnimo wanaagga nabadda ku saleysan.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|