Somali News
    Hees  

OIC iyo Yeman oo soo dhaweeyay doorashadii guddoonka cusub ee barlamaanka iyo ku xigeenadiisa

Mogadishu Jimco 31 August 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


OIC iyo Yeman oo soo dhaweeyay doorashadii guddoonka cusub ee barlamaanka iyo ku xigeenadiisa.

War saxaafadeed ay soo saareen ururka shirweynaha islaamka iyo dowladda Yeman ayaa lagu soo dhaweeyay doorashadii guddoonka barlamaanka iyo ku xigeenadiisa.

Xogayaha guud ee ururka shirweynaha islaamka ikmaalu diin ixsaan oglo ayaa war uu soo saaray waxa uu ku sheegay in ururka shirweynaha islaamka uu shacabka soomaaliyeed ugu hambalyeelanayo shacabka soomaaliyeed doorashadii ay doorteen guddoonka barlamaanka iyo ku xigeenadiisa , waxana uu ikmaalu diin ixsaan oglo uu sheegay in dalka somalia uu ku talaabsaday horumar oo uu ka baxay KMGnimadii.

Xogayaha guud ee ururka shirweynaha islaamka waxa uu sidoo kale ku dhiiri geliyay barlamaanka somalia inay dareemaan mas’uuliyadda saaran oo dalkooda dhibaatada ay ka saaraan.

Sidoo kale war ka soo baxay wasaaradda arimaha dibadda dowladda yeman ayaa lagu sheegay in dowladda yeman ay si aad ah u soo dhaweenayo isbedelka ku yimid siyaasadda somalia gaar ahaan doorashadii taariikhiga aheyd ee barlamaanka somalia ay ku doorteen Max’ed cismaan Jawari iyo ku xigeenadiisa.

Dowladda yeman ayaa warka ay soo saartay sidoo kale ku sheegtay in wada shaqeyn buuxda ay la yeelaneyso dowladda cusub ee Soomaaliya

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)